Arbaco, April, 1, 2020 (HOL)- Wiil 13 jir ah oo ku noolaa London ayaa noqday dhibbanihii ugu da’da yaraa ee u geeriyoooda coronavirus.
Ismacil Mohamed Abdulwahab, oo ka soo jeeda qoys muslim ah oo ku nool Brixton, oo kutaala koonfurta London, ayaa geeriyooday isagoo aan wax xubin ah oo qoyskiisa kamid ah ka ag dhowayn sababto la xiriira faafitaanka Covid-19.
Qoyska Ismaaciiil Maxamed, oo horey aabahood ugu dhintay kansar uu qabay, ayaa yidhi: “Ismaaciil wuxuu bilaabay inuu muujiyo astaamo wuxuuna ku adkaatay neefsashada waxaana la dhigay Isbitaalka King College.
Afhayeen u hadlay cisbitaalka King's College ayaa markii dambe xaqiijiyay geerida wiilka, iyagoo yiri: "Nasiib xumo, wiil 13 sano jir ah oo laga helay cudurka 'COVID-19' ayaa u geeriyooday caabuqa.”
Dhimashada wiilkaan yarka ah waxay meesha ka saaraysaa aragtidii sheegaysay in cudurkaan uu dilo dadka waaweyn ee da'da ah, waxaa kaloo xusid mudan in cuudrkaan uu kasoo kabtay qof jira ama ka weyn 100 sano.