4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 14, 2019
Wasiir Goodax : Dadkii maanta dibadbaxa dhigayay Ardey uma muuqan waa nalooga badnaa

 

Talaado, May, 14, 2019 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku guuldareystay qancinta Ardeydii maanta ku dibadbaxday magaalada Muqdisho isaga oo dhinaca kale eedeyn dusha uga tuuray

Wasiirka ayaa sheegay in uu isku dayay in uu la hadlo dibadbaxa-yaasha isaga oo intaa ku daray in dadkii uu arkay aysan Ardey’’ Waxaan leeyahay dadkii maanta dariiqa socday haddii aheynu nahay bahda Waxbarashada waa nalooga badnaa, waxaan isku dayay in aan Ardeyda la hadlo, laakiin wixii aan arkay Ardey uma ekeen, dad dhagaxyo tuuraaya oo aan caadi aheyn ayaa la kulannay ‘’ ayuu yiri Wasiir Goodax oo la hadlayay TV Dalsan.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya iyadoo magaalada Muqdisho dibadbax xoogan ay ka dhigeen boqolaal ardey ah oo ka mid ahaa ardeydii ka qeybgashay Imtixaankii saddexda cisho socda ee la joojiyay, kuwaa oo ka cabanayay go’aanka Wasaarradda.

Ma’aha oo kaliya in dibadbaxyadaasi ay ka dhaceen magaalada Muqdisho ee sidoo kale magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ayaa waxaa ka dhacay dibadbaxyo sababay dhaawaca ilaa Labo Ardey ah.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo noqonaya mas’uulkii ugu horeeyay ee dowlad gobolleedyada oo ka hadla arinta ku saabsan joojinta Imtixaankii socday ayaa ku eedeeyay Wasaarradda Waxbarashada in ay shaqadeedii gabtay, isaga oo ku amray mas’uuliyiinta Wasaarradda ee ku sugan deegaannada Hirshabeelle in ay deg deg uga baxaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]