4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 14, 2019
Al-shabaab oo sheegatay mas'uuliyada Qarax ka dhacay xarunta degmada Warta-Nabadda

 

Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Ururka Al-shabaab ee degaalka kula jira dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay mas'uuliyada Qarax maaanta lagu weeraray xarunta degmada Warta-Nabadda ( Ex Wardhiigley ) ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan labo ruux ayaa la xaqiinayaa in ay ku dhiteen qaraxa oo loo adeegsaday gaari gaari NOHA  ah oo laga soo buuxiyey wax-yaabah qarxa, xilli  sida la sheegay dad barakacayaal ah deeq loogu qeybinayay xarunta.

Xarunta  uu qaraxu ka dhacay ee degmada Warta-Nabadda ayaa ku taala  dhabarka dambe ee Madaxtooyada Soomaaliya, lamana oga in uu ahaa gaari uu la socday qof ismiidaamiye ah ama gaari goobta la soo dhigay.

Qaraxan ayaa imanaya xili todobaadyadii ugu danbeeyay amaanka magaalada siweyn loo adkeeyay islamarkaana ay yaraadeen qaraxyadii ka dhacayay. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]