4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2019
Wajeer: 15 qof oo ku dhimatay shil gaari

Isniin, May, 13, 2019 (HOL)-  Ugu yaraan 15 ruux geeryootay tiro kalana waa ay dhaawacmeen, shil gaari oo ka dhacay magaalada Nairobi iyo gobolka Waqooyi Bari ,sida laga soo xigtay saraakiisha.

Gaari bas ah oo ay la socdaan dad rayid ah iyo gaari kale ayaa la sheegay inay isku dhaceen xilli baska shil galay oo ku sii jeeday magaalada Wajeer ee dalka Kenya.

Baskan ayaa ka soo baxay magaalada Nairobi ee xarunta u ah dalka Kenya,iyadoo waddada uu shilka ka dhacay ee  isku xirta magaalada Nairobi iyo gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ay shilalku ku badan yihiin inkastoo qaybo ka mid ah ay laami yihiin.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]