4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2019
Madaxweyne Waare : Ma qabo sida hadalka loo dhigay ee ah in uu fashil ku soo dhamaaday shirkii Garoowe

Isniin, May, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa meesha ka saaray in uu fashil ku soo dhamaaday shirkii madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobolleedyada ay ku lahaayeen magaalada Garoowe.

Waare oo khudbad ka jeedinayay shir gaar ah oo Garoowe ay ku yeesheen madaxda saddexda maamul gobolleed ee Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa sheegay in shirkaasi uu ahaa bilow wanaagsan oo leysku xog wareystay si loo ogaado halka ay dhibaatadu ka jirto'' Waad ogtihiin marka la rabo in cudurka la daweeyo horta waa in baaritaan la sameeyo, marka shirkaasi wuxuu ahaa bilow wanaagsan, waxaanan hubaa in dib leysugu soo laabanayo, waayo Soomaali meel ay kala tageyso ma jirto,  malaa'ig noo soo degeysana ma jirto, xalkeeda annaga ayuu na sugayaa '' ayuu yiri madaxweyne Waare.

Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa lagu tirayaa in ay gacan saar dhaw la leeyihiin dowladda dhexe ee federaalka, halka Puntland oo shirkaa martigalisay wali uusan kala cadeyn mowqifkeeda la xiriira halka uu ku soo dhamaaday shirkii madaxda dowladda dhexe iyo kuwa federaalka ee Garoowe.

Shirkaasi ayaan wax qodobbo ah laga so saarin, waxaana isagood uga baxay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug oo labaduba shir jaraai'id ku sheegay in shirkaasi lagu kala tagay, iyadoo aan wax is afgarad ah la gaarin.

Laakiin madaxda saddexda maamul gobolleed Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa shir gaar ah oo ay ku yeesheen Garoowe waxaa ay ka saareen qodobbo dhowr ah

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisal wasaare Xassan Cali Kheyre oo labaduba dib ugu laabtay magaalada Muqdisho marnaba kama aysan hadal halkii uu ku danbeeyay shirkii ku dhawaad toddobaad loo fadhiyay magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamul gobolleedka Puntland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]