4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2019
Qaylo dhaan laga muujiyay duulimaadyada loo leexiyay Wajeer

Isniin, May, 13, 2019 (HOL) –  Duulimaadyadii tooska ahaa ee isku xirayay Soomaaliya iyo Kenya oo lagu qasbay inay sii maraan garoonka diyaaradaha ee Wajeer si baaritaanno dheeraad ah loo mariya ayaa si dhaqso ah waxaa qaylo dhaan uga muujiyay rakaabkii u horreyay ee sii maray Wajeer.

" Xaqiiqdii waxaan oran karaa waa safar dhib badan oo adag". ayuu yiri Cismaan Cali oo la socday duulimaadkii Axaddii ee ee Garoowe, Muqdisho iyo Nairobi.

Cismaan, wuxuu sheegay duulimaadka inuu qaatay muddo ku dhow toddobo saac ,isagoo inta ku daray muddo saddex saac ah in lagu hakiyay garoonka diyaaradaha ee Wajeer.

"Waxaa nalagu soo baaray Garoowe, haddana Muqdisho .. taas waxaa ka darneyd markii aan Wajeer gaarnay saddex saac iyo bar ayaa nalagu hayay oo nalagu baarayay". ayuu raaciyay.

Wuxuu soo jeediyay in dowladda federaalka ay si dhaqso ah xal ugu raadiso arrintan oo uu ku tilmaamay inay sabab u noqon doonto dad badan inay ka baaqdan u safridda Kenya.

Kenya ayaa go'aanka u sababeysay arrimo amni, balse wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, ayaa caddeeyay inay tuhunsan yihiin in go’aankan uu yahay mid ay ka dambeyso arrimo Siyaasadeed, isagoo marka meesha ka saaray in arrimo amni ay Kenya u soo rogtay xanibaadan cusub.

Kenya waxa ay sheegtay in xanibaadan cusub ay sii socon doonto ilaa laga gaaro 9-ka bisha Augosto, muddadaas saddexda bil waxey sheegtay in lagu qiimeyn doono waxa isbeddel ah ee dhaca, iyadoo kaddibna laga baaraan dagi doono in go’aanka sidiisa ahaado ama dib u eegis lagu sameeyo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]