4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2019
Puntland oo War ka soo saartay Ishortaaggii lagu sameeyay socdaalkii Shariif Sheekh Axmed ee Kismaayo

 

Axad, September, 22, 2019 (HOL)-War ka soo baxay Dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu cambaareeyay xayiraadii maanta lagu sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo qorshihiisu ahaa in uu u dhoofo magaalada Kismaayo.

Puntland waxaa ay ku tilmaamtay arintan mid ka hor imaneysa sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay  Dastuurka Soomaaliyeed gaar ahaan qodobka 21aad, farqadihiisa 1aad iyo 2aad ku saabsan xoriyada isu socodka muwaadinka.

Waa maamul gobolleedkii ugu horeeyay ee war ka soo saara xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay xannibaada  duulimaadyada Kismaayo, xili maalmo kaddib la filayo in Kismaayo ay ka dhacdo munaasabad lagu caleemo saarayo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe

Hoose ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Puntland :- 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]