4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2019
Sheekh Maxamed Idiris oo tababar uu ku qabanayey magaalada Hargeysa laga joojiyey

 

Axad, September, 22,  2019  (HOL )– Xukuumadda Somaliland ayaa wadaadka caanka ah ee Sheekh Maxamed Idiris ka joojisay tobobar lacag lagu galayey oo ku saabsanaa farxadda Lamaanaha  oo uu ku qabanayey magaaladda Hargeysa.

Gudoomiyaha gobolka Maroodi jeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa sheegay in aanay muxaadiro uu masaajid ku qabanayo aanay joojin ee ay joojiyeen tobobar lacag ah oo uu ku qabanayey magaaladda Hargeysa, waxaana ay ku doodeen in aan dawladda lala soo socodsiin.

“Waxaanu joojinay wax tababar loogu yeedhay oo lagu xayeysiinayey baraha bulshadda, tobabar aan dawladdu ogeyn in laga furo magaalada ma haboonna, qofka tobabar doonaya inuu furo waa in laamaha dawladda ay khuseyso soo maraa.”ayuu yidhi gudoomiye Jaamac Axmed.

Mar la waydiiyey in lagu haysto fagaare uu kaga hadlayey arrimo midnimada Soomaaliya khuseeya in lagu qoonsaday iyo in kale, waxa uu gudoomiyuhu ku jawaabay “sheekhu hadii uu siyaasad gallo oo dawladaha aflagaadeeyo hadana siyaasadii uu ka soo horjeeday uu yimaado oo uu yidhaahdo tobabaro ka furayaa, taas lafteeda lama yeelayo cid kasta oo qaranimada Somaliland ka soo horjeeda ama wax ka sheegta ma aqballayno inay halkan tobabaro ka furaan iyo inay kulamo ku qabtaan”.

Si kastaba ha ahaatee, Sheekh Maxamed Idiris ayaa marar badan booqasho ku yimid Somaliland,isla markaana qoraalo ka qorey amniga iyo horumarka ka jirta Somaliland oo uu ku amaanayo, haseyeeshee intii uu shaaciyey tobabarka farxadda lamaanayasha oo uu ku qabanayey magaalada Hargeysa oo toban dollar lagu galaey ayaa dad faro badan oo ka soo horjeeda wadaadka soo bandhigeen goob fagaare ah oo uu kaga hadlayo midnimada Soomaaliya, kuwaas oo wadaadka ku eedeeyey in aanu qaranimada Somaliland aaminsanayn, taas ayaana loo malaynayaa inay sababtay in la joojiyo tobabarkii uu waday..

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.