3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2019
Dowladda Federaalka oo u fasaxday dowlad gobolleedyada lacagihii Deeqaha Caalamka

 

Axad, September, 22, 2019 (HOL)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamul Goboleedyada  dalka iyo Gobolkan Banaadir  u fasaxday lacag ka mid ah deeqaha Caalamka ugu deeqo Soomaaliya gaar ahaan Midowga Yurub taas oo gaareysa Lix Milyan oo Dollar.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay in lacagtan  tahay deeqaha Caalamka ugu talo galay Soomaaliya, islamarkaana maamul walba loo dirayo min Hal Milyan oo  dollar.

Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa loo qoondeeyay 40%  deeqda miisaaniyad kabida ee laga helay Midowga Yurub oo ah lacag gaareysa 15 milyan oo dollar taasoo guud ahaan noqoneysa lacag gaareysa 6 milyan oo dollar oo la siinayo min hal milyan dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda :-

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  

 

 













Click here
9/22/2019 3:09 PM EST
Axad, September, 22, 2019 (HOL)-War ka soo baxay Dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu cambaareeyay xayiraadii maanta lagu sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo qorshihiisu ahaa in uu u dhoofo magaalada Kismaayo.

9/22/2019 1:42 PM EST
Axad, September, 22, 2019 (HO)-Magaalada Muqdisho waxaa xiligan ku shirsan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Xassan Sheekh Maxamuud, xubno ka tirsan xisbiyada mucaaradka iyo siyaasiyiin, kuwaa oo ka wada hadlaya dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee siyaasadeed iyo xannibaada dowladda ee Kismaayo

9/22/2019 12:23 PM EST
Axmed, September, 22, 2019 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaleysa in ay qaboojiso xiisada ka dhalatay xannibaad maanta lagu sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo tagi lahaa magaalada Kismaayo.

9/22/2019 10:07 AM EST
Axad, September, 22, 2019 (HOL )– Xukuumadda Somaliland ayaa wadaadka caanka ah ee Sheekh Maxamed Idiris ka joojisay tobobar lacag lagu galayey oo ku saabsanaa farxadda Lamaanaha oo uu ku qabanayey magaaladda Hargeysa.

9/22/2019 9:49 AM EST
Axad, September, 22, 2019 (HOL)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya is hortaag subaxnimadii hore ee saakay lagu sameeyay diyaarad madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed u qaadi laheyd magaalada Kismaayo si uu uga qeybgalo caleemo saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

9/22/2019 7:47 AM EST
Axad, September, 22, 2019 (HOL)- Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka hadlay weerar qaraxyo ku bilaawday oo subaxnimadii hore ee saakay xoogga Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Saliini oo ka tirsan degmada Awdheegle.

9/22/2019 4:02 AM EST
Axad, September, 22, 2019 (HOL )– Fanaanada caanka ah ee Maryal Mursal ayaa afartii maalmood ee u dambeeyey ku jirtay Cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee Royal, taas oo lagaga dabibayey xanuun ku soo booday.

9/22/2019 3:54 AM EST
Axad, September, 22, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Muaxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa 22-ka bishan u amba-baxaya dalka Marykanka, si ay uga qayb galaan Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

9/22/2019 2:50 AM EST
Axad, September, 22, 2019 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qaraxyo ku bilaawday oo subaxnimadii hore ee saakay xoogagga Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen gobolka Shabeellaha hoose

9/22/2019 2:08 AM EST
Axad, September, 22, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed iyo Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalmahaan ku sugan Muqdisho, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xassan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

9/22/2019 1:40 AM EST
Axad, September, 22, 2019 (HOL)-Burcad Badeed Soomaali ah ayaa sii deysay ugu danbeyntii muwaadin u dhashay dalka Iran kadib muddo afar sano oo uu ku jirey gacantooda.

9/22/2019 1:33 AM EST
Axad, September, 22, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiran ayaa sheegaya in ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM banneeyeen saldhigyo ay ka deganaayeen degmada.