4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 21, 2019
Ra'iisal Wasaare Kheyre oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

 

Sabti, September, 21, 2019 (HOL)-Raisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Somaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa kula kulmay Madaxweynayasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, sidoo kale waxaa kulanka ka qeybgalay guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqadir Shariif Shekhuna Maye.

Kulankan ayaa ka dhacay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa ahaa mid  is xog-wareysi iyo soo dhaweyn Madaxweynayaasha Maamul gobolleedyada  Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle oo maalmahaan ku sugnaa magaalada  Muqdisho.

Labadda Madaxweyne ayaa maalmihii ugu dambeeyay kulamo kala duwan ka waday Magaalada Muqdisho, waxaana ay la kulmaayeen Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya  maamul goboleedyada iyo Beesha Caalamka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]