4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 21, 2019
Heshiiska Raashiinka iyo Shidaalka ee Ciidamada Qalabka Sida oo la kala saxiixday

 

Sabti, September, 21, 2019 (HOL)- Munaasabad lagu kala saxiixanayay hesiis ku aadan Qandaraasyada Raashiinka iyo Shidaalka ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho,taasi oo ay ka qeybgaleen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xassan Cali Maxamed iyo wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale,ayaa shirkado qaabilsan Qandaraasyada la saxiixday heshiiska Qandaraasyada Raashiinka iyo Shidaalka ee Ciidamada Qalabka Sida, kaddib munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Waxaa munaasabadda heshiiskaasi lagu kala saxiixanayay goob joog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiir Beyle ayaa heshiiskani ku tilmaamay mid horseedi kara kalsooni dhexmarta bulshada iyo hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa waxaa uu soo maray Habraaca iibka Qaran ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya,iyadoo tartan ay u soo galeen qaar kamid ah shirkadaha Qandaraaslayaasha ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]