3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 21, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo Maanta saxiixaya sharciga dhismaha guddiyada la dagaallanka Musuqmaasuqa

 

Sabti, September, 21, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa in uu saxiixo sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka Musuqmaasuqa ee labada heer.

Sharcigan oo soo maray marxalado kala duwan ayaa ugu danbayn lagu wadaa in maanta oo Sabti ah lagu saxiiso Munaasabad ka  dhacaysa madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Agaasime ku xigeenka Warfaafinta madaxtooyadda Soomaaliy C/rashiid Maxamed Xaashi oo ka la hadlay Warbaahinta  ayaa  sheegay in sharcigaan in uu yahay mid muhiimad gaar ah u leh dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   
 

 

 
 

 

 













Click here
9/21/2019 11:37 AM EST
Sabti, September, 21, 2019 (HOL)-Raisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Somaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa kula kulmay Madaxweynayasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, sidoo kale waxaa kulanka ka qeybgalay guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqadir Shariif Shekhuna Maye.

9/21/2019 11:12 AM EST
Sabti, September, 21, 2019 (HOL)- Munaasabad lagu kala saxiixanayay hesiis ku aadan Qandaraasyada Raashiinka iyo Shidaalka ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho,taasi oo ay ka qeybgaleen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo saraakiil kale.

9/21/2019 11:03 AM EST
Sabti, September, 21, 2019 (HOL)- Munaasabad soo dhaweyn ah ayaa loogu sameeyay xarunta Jaamacadda Banaadir ku dhawaad Kun Ardey ah oo ku biirtay sanadkan Jaamacadda, kuwaa oo dhawaan Imtixaan u galay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.

9/21/2019 10:33 AM EST
Sabti, September, 21, 2019 (HOL)- Xukuumada Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay saddex xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Boorama.

9/21/2019 9:22 AM EST
Sabti, September, 21, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

9/21/2019 8:08 AM EST
Sabti, September, 21, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa 22-ka bishan u amba-baxaya dalka Marykanka, si ay uga qayb galaan Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

9/21/2019 4:56 AM EST
Sabti, September, 21, 2019 (HOL)-Ergeyga Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa ku dhiirigeliyay dhamaan dadka Soomaaliyeed Inay gacan ka geystaan Nabad ku soo Dabaalidda Soomaaliya

9/21/2019 2:03 AM EST
Sabti, September, 21, 2019 (HOL)-Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo kulan u dhaxeeya xeerilaalinta Soomaaliya.

9/21/2019 1:43 AM EST
Sabti, September, 21, 2019 (HOL)-Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Esper ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheynayo ciidamo loo diro Sacuudi Carabiya, kaddib weeraradii todobaadkii hore lagu qaaday xarumaha laga soo saaro shidaalka.

9/21/2019 1:38 AM EST
Sabti, September, 21, 2019 (HOL)-Ciidanka Booliiska dalka Masar ayaa xabsiga dhigay boqolaal ka mid ah dadkii hogaaminaayay Banaanbaxyo waa weyn oo xalay ka bilowday Magaalada Qaahira iyo sidoo kale meelo ka mid ah dalkaasi.

9/21/2019 1:28 AM EST
Sabti, September, 21, 2019 (HOL)-Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ahna Gudoomiye Ku-xigeenka 1aad Golahaha Shacabka Cabdi wali ibraahim Sheekh Muuddey ayaa xalay kulan casho sharaf ah u sameeyay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta Gareen) Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare.