3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 20, 2019
Wasiir ku-xigeenkii Xannaanada Xoolaha Dowladda federaalka Soomaaliya oo is casilay

 

Jimco, September, 20, 2019 (HOL)- Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Xannanada Xoolaha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdikariin Khaliif Cabdi Dhalac ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in uu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in sababta uu tallaabadan u qaaday tahay kaddib markii uu u adkeysan waayay fara-galinta dowladda federaalka ay ku heyso dowlad gobolleedka Galmudug.

Wuxuu sheegay Wasiir ku-xigeenka ayaa in dowladda federaalka fara-galin toos ah ku heyso dowlad gobolleedka Galmudug iyo dib u qaban qaabinta Galmudug loo dhan yahay arintaa oo keeni karta dib u dhac Siyaasadeed, Dhaqaale, Amni iyo hormarineed.

Xildhibaan Dhalac ayaa ugu baaqay xukuumadda federaalka in ay fara-galinta ka deyso guud ahaan dowlad gobolleedka, gaar ahaan Galmudug oo la doonayo in mar kale dib loo yagleelo.

‘’Xukuumadda waxaan ugu baaqayaa in ay ilaaliso Dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala iyo guud ahaanba nidaamka federaalka ee lagu heshiiyay, fara-galintana ka deyso dowlad gobolleedka’’ ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Iscasilay.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan dhismaha dowlad gobolleedka Galmudug iyadoo dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu Dhuusa-Mareeb ku soo xiray shirkii dib-u-heshiisiinta beelaha wada dega deegaannada Galmudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   












Click here
9/20/2019 10:01 AM EST
Jimco, September, 20, 2019 (HOL)- Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogashada Askari ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyed oo la sheegay in uu xiligaa waday gaari Mooto Bajaaj ah.

9/20/2019 9:15 AM EST
Jimco, September, 20, 2019 (HOL)-Waaxda Imtixaanaadka ee dalka Itoobiya ayaa maanta shaacisay dhibcaha ay ku gudbayaan Ardaydii dhawaan gashay Imtixaankii fasalka 10aad.

9/20/2019 6:40 AM EST
Jimco, September, 20, 2019 (HOL)-Iran ayaa madaxweynaha Mareykanka uga digtay in la geliyo dagaal ka qarxa Bariga Dhexe, waxayna sheegtay in weerar kasta oo lagu soo qaado ay ka bixin doonto jawaab ciqaab adag leh.

9/20/2019 5:01 AM EST
Jimco, September, 20, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogag ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo dad xoolaley ah ku dhex-maray deegaano duleedka ka ah degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

9/20/2019 2:46 AM EST
Jimco, September, 20, 2019 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa kormeer ku sameeyey Isbitaalka Xoogga halkaas oo daryeel caafimaad loogu sameeyay Ciidamada Dowladda ee ku soo dhaawacmay dagaalada ka socda qaybo ka mid ah gobolada dalka.

9/20/2019 1:57 AM EST
Jimco, September, 20, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu soconayo qorsho ku aadan sidii loo kordhin lahaa dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab,isla markaana wadatashiyo lagala yeelanayo Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

9/20/2019 1:45 AM EST
Jimco, September, 20, 2019 (HOL)-Ururka Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay waxaa uu war ka soo saaray muranka Badda ee ku dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya iyo natiijada laga yaabo in ay ka soo baxdo maxkamada Cadaallada ee ICJ ee qaadeysa dacwadda Badda ee labada dal.