3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 20, 2019
Askari Mooto Bajaaj darawal ka ahaa oo Muqdisho lagu dilay

 

Jimco, September, 20, 2019 (HOL)- Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogashada Askari ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyed oo la sheegay in uu xiligaa waday gaari Mooto Bajaaj ah.

Askari la toogtay ayaa la sheegay in sababta uu Mootada u waday aheyd in aan laga qaadi  lacago ay ciidamadu ka qaadayeen gaadiidka gaar ahaan gawaarida Mooto Bajaajka, hasse ahaatee muran soo kala dhaxgalay isago ciidamo ku sugnaa Barkootarool keentay in la toogto waxaan sidoo kale rasaasta ku dhaawacmay milkiilihii Mootada oo xiligaa sarnaa.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay waxaana halkaasi ka qaadeen maydka,Askariga ka tirsan ciidanka dowlada ee lagu toogtay Cali Kamiin, iyaga oo halkaasi ka bilaabay baaritaano la xariira sida wax u dhaceen.

Dadka magaalada ayaa siweyn u hadal haya falkan lagu dilay askariga oo ah dhacdo ku cusub dilalkii hore uga dhici jirey  Muqdisho, waxayna hore ciidamada dowlada ugu dileen magaalada tiro  badan oo ka mid ahaa wadayaasha Mooto bajaajyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   
 
 













Click here
9/20/2019 1:04 PM EST
Jimco, September, 20, 2019 (HOL)- Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Xannaanada Xoolaha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdikariin Khaliif Cabdi Dhalac ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in uu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda.

9/20/2019 9:15 AM EST
Jimco, September, 20, 2019 (HOL)-Waaxda Imtixaanaadka ee dalka Itoobiya ayaa maanta shaacisay dhibcaha ay ku gudbayaan Ardaydii dhawaan gashay Imtixaankii fasalka 10aad.

9/20/2019 6:40 AM EST
Jimco, September, 20, 2019 (HOL)-Iran ayaa madaxweynaha Mareykanka uga digtay in la geliyo dagaal ka qarxa Bariga Dhexe, waxayna sheegtay in weerar kasta oo lagu soo qaado ay ka bixin doonto jawaab ciqaab adag leh.

9/20/2019 5:01 AM EST
Jimco, September, 20, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogag ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo dad xoolaley ah ku dhex-maray deegaano duleedka ka ah degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

9/20/2019 2:46 AM EST
Jimco, September, 20, 2019 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa kormeer ku sameeyey Isbitaalka Xoogga halkaas oo daryeel caafimaad loogu sameeyay Ciidamada Dowladda ee ku soo dhaawacmay dagaalada ka socda qaybo ka mid ah gobolada dalka.

9/20/2019 1:57 AM EST
Jimco, September, 20, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu soconayo qorsho ku aadan sidii loo kordhin lahaa dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab,isla markaana wadatashiyo lagala yeelanayo Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

9/20/2019 1:45 AM EST
Jimco, September, 20, 2019 (HOL)-Ururka Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay waxaa uu war ka soo saaray muranka Badda ee ku dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya iyo natiijada laga yaabo in ay ka soo baxdo maxkamada Cadaallada ee ICJ ee qaadeysa dacwadda Badda ee labada dal.