4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 20, 2019
Itoobiya: Dhibcihii lagu baasayay fasalka 10aad oo la shaaciyay

 

Jimco, September, 20, 2019 (HOL)-Waaxda Imtixaanaadka ee dalka Itoobiya ayaa maanta shaacisay dhibcaha ay ku gudbayaan Ardaydii dhawaan gashay Imtixaankii fasalka 10aad.

Haddaba waaxda Imtixaanaadka ee dalka ayaa saddex  qaybood u kala dhigtay dhibcaha loogu gudbayo fasalka 11aad waxayna kala  yihiin.

1- Lab      2.00 iyo wixii ka sareeya.
2- Dhadig.     1.86 iyo wixii ka sareeya

Dadka laxaadka la' sida dhagoolayaasha.
1- Lab.    1.86 iyo wixii ka sareeya.
2- Dhadig    1.71 iyo wixii ka sareeya.

Dadka Indhoolayaasha ah.
1- Lab 1.71
2- Dhadig.  1.61

Degaanada soo koraya sida Degaanka Soomaalida.
1- Lab 1.86 iyo wixii ka sareeya.
2 Dhadig. 1.71 iyo wixii ka sareeya.

Guud ahaan dalka Itoobiya ayaa ardaydii dhawaan Imtixaanaadka fasalka 10aad u fadhiistay waxay noqdeen kuwo dhibco hoose keenay halka qaarkoodna ayba ku dhaceen, waana midda keentay in hoos loo dhigo dhibcaha lagu baasayo.

Dhanka Degaanka Soomaalida arday badan oo rajo dhigtay ayay dhibcahan la shaaciyay niyadooda kor usoo qaadaysaa iyagoo islahaa dhibcaha aad haysataani meelna idin gaadhsiinmayso.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]