4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 20, 2019
Ururka Al-shabaab oo markii ugu horeysay ka hadlay muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

 

Jimco, September, 20, 2019 (HOL)-Ururka Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay waxaa uu war ka soo saaray muranka Badda ee ku dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya iyo natiijada laga yaabo in ay ka soo baxdo maxkamada Cadaallada ee ICJ ee qaadeysa dacwadda Badda ee labada dal.

Hogaamiyaha  guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda oo soo duubay cod 20-daqiiqo la dhageesan karo ayaa ka hadlay arimo badan oo xasaasi ah oo ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya .

Abuu Cubeyda ayaa ka hadlay xaalada Soomaaliya gaar ahaan dagaalka ay kula jiraan dowlada federaalka, waxa uuna sheegay in uu sii xoogeestay dagaalka ay kula jiraan dowlada uuna dirqi kaga bad baaday Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia.

“Xukuumadii Afaraad ayaa qarka u saaran inay burburto, Ergaygii lixaad ee waxa loogu yeero QM ayaa si dirqi ah ku bad-baaday, taageero kasta oo ay ka helaan Sshisheeyaha, tababar kastoo la siiyo iyo taakulo walboo loo ballan qaado, hadana wax u hirgalay ma jiraan, dadaalkoodiina wuxuu noqday tacab khasaaray, himilooyinkoodiina waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay” ayuu yiri Abuu Cubeyda.

Amiirka  Al-Shabaab,  ayaa sheegay in weeraradii u dambeeyey ee lagu qaaday Kismaayo iyo xarunta gobolka Banaadir ay soo bandhigeen taagdarida dowlada sida uu tilmaamay, isagoona bogaadiyey raggii soo abaabulay weeraradaas iyo kuwii fuliyey.

Sheekh Abuu Cubeyda ayaa sheegay in dalka uu leeyahay macaadin iyo kheyraad fara badan kuwaas oo bad iyo barri intaba ka buuxa, wuxa uuna xusay inuu dalku u baahan yahay dad gacanta ku dhiga oo hantidooda difaacda maadama uu sheegay in cadaw u soo hanqal taagayaan kheyraadka ceegaga dhulkan.

Waxa sidoo kale Amiirka Al Shabaab ayaa ka hadlay muranka xagga badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dhankooda aysan aqbali doonin wax waliba oo ka soo baxa maxkamada caalamiga ah, lana dagaalami doonaan Kenya ilaa inta laga soo dhicinayo dhulka ay Soomaaliya ka heesato.

“Waxaan Umadeena muslimka ah ku wargelineynaa in Mujaahidiintu ka soo horjeedaan gaashaankana u daruurayaan go’aan kasta oo ka soo baxa maxkamada caalamiga ah ee ku saabsan loolanka badda Soomaaliya ka taagan.Waxaan caalamka u sheegeynaa in badaheenu ahayn kuwa gorgortan aan ka galeyno, martina ugama noqoneyno dowlado Shisheeye, waxaa laga rabaa Umadeena muslimka ah inay ku baraarugto in Kenya ay soo liqday dhul baaxad weyn, ka hor inta aysan badda u hanqal taagin, Itoobiyana waa tan hadda loo saxiixay Dakado dhowr ah, dalkuna wuxuu ku socdaa in la wada xaraasho haddii aydaan ka hortagin”. Ayuu yiri Abuu Cubeyda.

Waa markii ugu horeysay hoggaanka sare ee Ururka uu si toos ah u soo hasdal qaado kiiska la xiriira Xudduud Baddeedka ay isku hayaan labada dal Soomaaliya iyo Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]