4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 19, 2019
Jubbaland oo eedeyn culus u jeedisay dowladda federaalka Soomaaliya

 

Khamiis, September, 19, 2019 (HOL)-War ka soo baxay Madaxtooyadda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya duullaan ku tahay Amniga iyo degenaashaha Kismaayo oo ay dooneyso sida qoraalka lagu sheegay in ay ka abuurto Amaan daro.

War-saxaafadeedka oo ku taariikheysan 18/9/2019 ayaa waxaa marka hore looga hadlay dilalkii ugu dambeeyay oo qaarkood ay sheegteen Al-Shabaab, islamarkaana ka dhacay degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa looga hadlay doorashadii ka qabsoontay magalada Kismaayo 22/8/2019, iyada oo la sheegay in doorashadaas ay u dhacday si xor iyo xalaal ah, islamarkaana cidkasta oo tabasho qabto ay soo dhaweeyaan.,waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday Go’aankii xayiraada ahaa ee la saaray Garoonka Kismaayo iyo dhibaatooyinkii ka dhashay iyo xasilooni darro siyaasadeed oo ay dowladda federaalka dooneyso in ay abuurto Kismaayo.

Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in xayiraada dhinaca diyaaradaha ee dowlada federaalka kusoo rogtay magaalada Kismaayo in ay ka dhasheen dhibaatooyin shacabka soo gaaray .

War Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowlada  federaalka  ay duulaan ku tahay magaalada Kismaayo, waxa ayna Jubbaland  sheegtay waxii khasaaro ah ee halkaasi ka dhasha in masuuliyadeeda  qaadeyso dowlada federaalka.

” Waxaan beesha caalamka ugu baaqeynaa in xayiraadda iyo cunaqabateynta sharci darrada ah laga qaado shacabka Jubbaland” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka Puntland.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin eedeyntan culus ee uga timid maamulka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe oo mar kale lagu doortay Kismaayo doorasho natiijadeeda shaki badan la galiyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]