4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 19, 2019
Midowga Yurub oo dowladda Soomaaliya u tababaray qeyb ka mid ah ciidanka DANAB

 

Khamiis, September, 19, 2019 (HOL)-Saraakiil iyo tababarayaal ka tirsan midowga Yurub oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa tababar dheeraad ah siiyay ciidamo ka tirsan kumaandooska dowlada Soomaaliya ee loo yaqaan Danab.

Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in tababar siiyeen ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya, waxa ayna sheegeen howlgalka midowga Yurub in ciidankan yihiin qeybtii afaraad oo katirsan kumaandooska Soomaaliya.

Saraakiisha reer Galbeedka ah ee tababarka siinayay ciidanka kumaandooska Soomaaliya ayaa barayay qaabka meelaha fog wax looga liisho iyo sidoo kale farsamooyin kale oo looga baahan yahay ciidanka gaarka ah.

Ciidanka dowlada Soomaaliya gaar ahana kuwa Danab ayaa tababaro kala duwan ka helaya Mareykanka ,Turkiga iyo sidoo kale Midowga Yurub, ciidankan dowlada loo tababaray ayaana hada howlgalo ka wada qaar kamid ah gobolada dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]