4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 19, 2019
Beledweyne ''Ciidamada dowladda oo fashiliyay walxaha qarxa

 

Khamiis, September, 19, 2019 (HOL)-Ciidamada Booliiska ee ka howlgala magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa fashiliyay qarax miino oo lagu aasay inta u dhaxeysa magaalada iyo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Dadka deegaanka ayaa Ciidamada Booliiska ku wargaliyay  qaraxan lagu aasay wadada dhinaceeda, waxaana durba goobta qaraxa lagu  aasay gaaray ciidamo booliis ah kuwaa oo miinada qarxiyay.

Ciidamada Booliiska oo howlgal ka sameeyay goobta qaraxa la dhigay  ayaa la sheegay in gacanta ku dhigeen ruux lagu tuhmayo in uu ka  dambeeyay qaraxaasi miino ee wadada dhinaceeda la dhigay.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo taliska booliiska ayaan ka hadln wali  qaraxan la fashiliyay ee la doonayay in lagu beegsado gaadiidka ciidanka  iyo mas'uuliyiinta ee mara wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo  magaalada Baladweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]