4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 19, 2019
Howlgallo ka socda degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Khamiis, September, 19, 2019 (HOL)-Saacadihii ugu danbeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo kala duwan ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo tuulooyioin hoostaga degmadaasi.

Howlgallada ayaa saraakiisha hoggaamineysay waxaa ay sheegeen inay sigaar ah uga sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Balcad iyo sidoo kale Tuulada Gololeey ee duleedka Waqooyi ee Balcad,halkaas oo dhowr mar ay Al-Shabaab weeraro kala duwan ka geysteen.

Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Axmed Maxamed Maxamuud ( Tareedisho) oo faah faahin ka bixinayay howlgallada ayaa sheegay in howlgalkaas lagu soo qabqabtay dad u badan dhalinyaro,isla markaana ay baaritaano gaar ah ku sameeyeen.

Waxaa uu sheegay taliye Tareedisho in dadka howlgalka lagu soo qabtay la kala saaray,isla markaana qaarkood la siidaayay halka kuwo kale oo labaatameeyo ah lagu helay inay la Shaqeeyaan Ururka Al-Shabaab Maxkamadna ay horgeyn doonaan.

Howlgalkan ayaa imanaya xili deegaanno hoostaga degmada Balcad ay weerarrro kala duwan ka geysanayeen, islamarkaana baqdin xooggan soo food saartay dadka ku safra wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]