3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 19, 2019
Jabuuti oo Kenya ku eedeysay in ay xasiloooni darro ka waddo wadamada gobolka

 

Khamiis, September, 19, 2019 (HOL)-Dowladda Jabuuti ayaa wali wadda dadaalka ay ugu jirto sidii ay ku hanan lahayd matalaadda Kursiga Afrika ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib markii dhawaan loollan ay taageerada midowga Afrika ku raadineysay ay Kenya uga guuleysatay

Wasiirka arimaha dibedda ee Jabuuti ayaa sheegay in Kenya aan lagu aamini karin kursiga ay u tartamayso ee golaha ammaanka, maadaama sida uu yiri uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo Soomaaliya.

Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf oo maanta safiirrada ajnabiga ah ee dalkiisa ku sugan kala hadlayay arinta la xiriirta musharraxnimadooda kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in Jabuuti ay u baahan codadka dalalkaasi.

“Jabuuti waxa aay qiyaaseysa inay ku saxan tahay dadaalkeeda ku aaddan kursiga Golaha ammaanka. Waxa aan u bahanahay taageraada dalalkiina ee ku saabsan musharraxnimadeena”, ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu dhanka kale sheegay in haddii Kenya ay kursigaas hesho ay saameyn ku yeelaneyso muranka kala dhaxeeya Soomaaliya.

“Waxa aan qiyaaseyna oo kale inay Kenya dhibaatada khatar ah ku heyso Soomaaliya, xalaada u dhexeysa labaada dalna ay cirka isku sii shareeri karto oo ay faraha ka bixi karto”.

Dowladdaha Jabuuti iyo Kenya ayaa loolan adag waxaa ay ugu jireen helida kusri ka mid ah golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey,waxaana xusid mudan in Xubnaha Midowga Afrika ay Kenya u codeeyeen balse aan go’aanka rasmiga ah la soo saarin,dowladda Jabuutina ay sheegtay inay waqti gelin doonto helida kursigaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   
 

 

 

 













Click here
9/19/2019 1:59 PM EST
Khamiis, September, 19, 2019 (HOL)-Mareykanka ayaa Sacuudi Carabiya iyo dalalka Khaliijka kala tashanaya jawaabtii laga bixin lahaa weerarkii lagu qaaday xarumaha saliida Sacuudiga, kaasi oo ay ku eedeeyeen Iran.

9/19/2019 12:01 PM EST
Khamiis, September, 19, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo guud ahaan looga hadlay dhaqaalaha iyo deyn cafinta, laguna ansixyay ku noqoshada miisaaniyadda 2019 iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018.

9/19/2019 11:31 AM EST
Khamiis, September, 19, 2019 (HOL)-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Salaad Oomaar ayaa ka hadlayey go’aankii dowladda ay soo saartay ee la xiriiray duulimaadyada Kismaayo.

9/19/2019 8:24 AM EST
Khamiis, September, 19, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta guddoomiyay shir ay kasoo qayb galeen safiirrada wadamada amniga ka taageeraa Soomaaliya iyo wakiillada beesha caalamka, loogana hadlay amniga iyo xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugantahay dalka.

9/19/2019 6:52 AM EST
Khamiis, September, 19, 2019 (HOL)-War ka soo baxay Madaxtooyadda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya duullaan ku tahay Amniga iyo degenaashaha Kismaayo oo ay dooneyso sida qoraalka lagu sheegay in ay ka abuurto Amaan daro.

9/19/2019 5:49 AM EST
Khamiis, September, 19, 2019 (HOL)-Saraakiil iyo tababarayaal ka tirsan midowga Yurub oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa tababar dheeraad ah siiyay ciidamo ka tirsan kumaandooska dowlada Soomaaliya ee loo yaqaan Danab.

9/19/2019 2:58 AM EST
Khamiis, September, 19, 2019 (HOL)-Taliye kuxigeenka Howlgalka iyo Qorsheynta ee Ciidamada AMISOM Jeneraal Nakibus Lakara ayaa booqasho ku tagay Xarumaha Ciidamada AMISOM, si uu u qiimeeyo howlaha ciidamada, si loogu diyaar garoobo qorshaha kala guurka ee sanadka 2021, xilligaasoo AMISOM isku diyaarineyso inay mas’uuliyadda Amniga ku wareejiso Ciidamada xoogga dalka.

9/19/2019 2:11 AM EST
Khamiis, September, 19, 2019 (HOL)-Ciidamada booliiska ee ka howlgala magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa fashiliyay qarax miino oo lagu aasay inta u dhaxeysa magaalada iyo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

9/19/2019 1:54 AM EST
Khamiis, September, 19, 2019 (HOL)-24-kii Saac ee la oo dhaafay ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo tuulooyioin hoostaga degmadaasi.