4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2019
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

 

Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa xalay kulan casho waxaa uu hoygiisa ugu sameeyay Madaxweynayaasha Maamulada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed Maxamed Cabdi Waare iyo C/casiis Xasan Maxamed.

Kulankan ayaa isugu jiray hambalyeyn, is barasho iyo kala war-qaadasho, iyadoo Madaxda Maamulada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ay balan-qaadeen inay garab taagan yihiin Duqa cusub ee Muqdisho, lana shaqeyn doonaan.

Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa sheegay in si dhow ula shaqeyn doonaan Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan dhinacyada Amniga, horumarka, isla markaana xiriir dhow yeelan doonaan, maadaama Muqdisho deris la tahay labada maamul.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii u  dambeeyay waxaa uu kulamo la qaadanayay Xildhibaanada labada Gole,  siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana kulamadan ay  ahaayeen kuwo Guddoomiyaha kala hadlayay arrimaha amniga iyo horumarka  Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]