Boqor Salman: Sacuudiga waa awoodaa inuu is-difaaco
Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)-Boqorka Sacuudiga, Salman Bin Abdulaziz ayaa maanta sheegay in dalkiisa uu awoodo inuu iska difaaco wax uu ugu yeeray “weeraradii fuleynimada ahaa” ee hakiyey kala-bar wax soo saarkii saliida dalkiisa, hase yeeshee waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay “si cad u wajahaan” kuwii ka dambeeyey.
Dowladda Sacuudiga ayaa ku celisay eedeynteeda ah in hubka Iran loo
adeegsaday weerarka, hase yeeshee ma aysan yaboohin wax caddeymo ah oo
taageereeya sheegashadeeda.
Hadalka boqorka ayaa waafaqsan kii madaxweynaha Donald Trump uu
isniintii ku sheegay in ay u badan tahay in Iran ay mas’uul ka tahay
weerarka.
Golaha wasiirada Sacuudiga ayaa sheegay in weerkii sabtidii uu halis geliyey ammaanka dunida iyo qeybinta tamarta dunida.
Trump ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu caawiyo
Sacuudiga oo xulufo muhiim la ah, kadib weerarkii loo adeegsaday
diyaardaha drone-ka, oo si aan horey loo arag sare ugu qaaday qiimaha
saliidda caalamka.
Si kastaba, Trump waxa uu sheegay inuu sugayo go’aan “qayaxan” oo ku saabsan cidda mas’uulka ka ah weerarka.
“Ma doonayo inaan dagaal cusub ku lug yeelano, balse mararka qaar
waad ku qasban tahay” ayuu yiri. “Kani waxa uu ahaa weerar aad u weyn,
balse waxaa looga jawaabi karaa weeraar dhowr mar kasii weyn.”
Xigasho VOA