4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2019
Madaxweyne Donald Trump oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Cali Shariif Axmed



Arbaco Septembar, 17 2019 (HOL)Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Mareykanka Ambassador Cali Shariif Axmed, kaddib xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo shalay ka dhacday Aqalka Cad ee Washington, DC.

Danjire Cali Shariif Axmed ayaa madaxweyne Trump u gudbiyay dhambaalka dowladda Federalka Soomaaliya, kaas oo ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale madaxweynaha xusuusiyay qorsheyaasha dowladda ee dhammaan dhinacyada kala duwan iyo horumarka ay dowladdu sameysay dhawaanahaan, waxaana madaxweyne Trump uu safiirka u sheegay inuu ku faraxsanyahay imaashihiisa Mareykanka.

Ka hor Mareykanka, Danjire Cali Shariif Axmed wuxuu u soo noqday safiirka Soomaaliya ee dalalka France iyo Itoobiya, ergayga joogtada ah ee Soomaaliya ee Midowga Africa iyo wakiilka Soomaaliya ee guddiga dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Africa ee UNECA. Wuxuu sidoo kale soo noqday la taliyaha sare ee Xaafiiska Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda, waxaana intii uu matalayay dowladda uu horseeday dadaallo badan oo siyaasadeed oo dhaliyay dib u heshiisiin iyo nabadeyn ah.

Waayo aragnimadiisa dowladeed waxaa dheer, in Danjire Cali Shariif uu soo noqday maamule sare, wuxuuna la taliyay ganacsato iyo shirkado waaweyn caalami ah. Ambassador Axmed wuxuu shahaada labaada ee Masters ka heystaa cilmiga Siyaasadda iyo Qorsheynta sare oo uu ka qaatay Jaamacadda Sussex, halka shahaadada kowaadna ee bachelor's ka uu ku sameeyay cilmiga Nabadda iyo daraasaadka Khilaadka ee Peace and Conflict Studies wuxuuna ka qaatay Jaamacadda London Metropolitan University ee dalka Ingiriiska.

photo Credit:Jocyce N Boghosion,WH

Hiiraan Online, News desk 

Minneapolis, Minnesota