4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2019
Minnesota oo laga Taageeray Shirkii Hobyo Dhawaan ka dhacay

Talaado, September, 17, 2019 (HOL)-Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota dagan ayaa kulan ku taageeray hishiiskii nabadeed ee magaaladda Hobyo dhawaan lagu soo gabgabeeyey, iyo madaxdii halkaa lagu doortay.

Xafladaan oo dhacay hotelka doubletree by hilton ee xaafadda Bloomington Minnesota, ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada Minnesota asimo haweenka iyo wakiilo matalaayey maamul goboleedada Soomaaliya oo idil.




Cabdi Xaashi oo ah gudoomiyaha jaaliyadda Galmudug ee Minnesota oo shirka furay ayaa sheegay in ay ugu wayn tahay sababta kulankaan in aan ayidno wanaaga iyo nabadeeynta qodabadii lagu lagu hishiiyey ee shirka Hobyo ay ku gaareen beelaha walaalaha ah ee dageenadaa waxuuna ahaa shir taariikhi ah ,ilaahayna aan uga baryeeyno in uu noqdo mid lagu baraaro.


Suldaan Cismaan Koofi oo ka mida odayaasha iyo waxgaradka Minnesota ayaa sheegay inuu bogaadiyey shirkaas ,waxuuna suldaanku raaciyey in shirkaas hadii uu guulaysto ay la mid tahay iyadoo Soomaali oo dhan guulaysatay ,waxuuna suldaanku faray shanta beelood ee walaalaha ah eeshirku quseeyo ay tahay in ay taageeraan gudiga la doortay , waxuuna xusay gudoomiyaha cusub ee la doortay ee Prof C/qadir M Shirwac  iyo C/lahi C. Waheliye in ay yihiin dad wanaag badan laga filaayo,

Dhamaan dadkii kale kulankaanka hadlay ayaa ku nuuxnuux saday ma huraan inay tahay in xasilooni loo helo siyaasada maamulka galmudug loona baahan yahay xiligaan in la muujiyo isku tanaasul hogaanka maamulkuna si hufan loo dhiso, waxayna dadkii hadlay baaq ku aadan nadeeynta gobolka dhaxe u direen dowladda dhaxe Soomaaliya .

Xaladaan ayaa lagu soo bandhigay Suugaan lagu taageerayey waxii ka soo baxay shirkaa ku idlaaday dhawaan magaaladda Hobyo

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis, MN