4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo gaaray degmada Dhuusa-Mareeb


Isniin, September, 16, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw gaaray degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug.

Garoonka diyaaradaha Dhuusa-mareeb,waxaa ku soo dhaweeyay xubno ay ka mid ahaayeen Wasiirada Amniga iyo Arrimaha gudaha,Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal, Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wafdiga sidoo kale Dhuusa-Mareeb tagay waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo bilihii ugu danbeeyayba ka maqnaa degmada kaddib khilaaf soo kala dhax-galay isaga iyo madaxda Ahlu Sunna.

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in  uu soo xiro Shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug  oo in ka badan 10 cisho ka socday Magalada Dhuusamareeb.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]