4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2019
Al-shabaab oo qarka u saaran in ay jaraan isku socodka waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar

 

Isniin, September, 16, 2019 (HOL)-Goob joogayaal ku sugan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar gaar ahaan deegaannada ku dhaw dhaw degmada Balcad soo buuxiyeen xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay gooyeen isku socodka Muqdisho iyo Jowhar iyaga oo si gaar ah u bartilmaameedsaday gaadiidka ay la socdaan mas'uuliyinta maamulka Hirshabeelle, ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

Qof ku sugan degmada Balcad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalyahannada Al-shabaab ee soo buuxiyay waddada xiriirisa Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha dhexe adeegsanayaan weerarro toos ah iyo qaraxyo isugu jira miino iyo Qoryaha garbaha laga tuuro oo ay ku bartilmaameedsadaan gaadiidka waddadaasi adeegsanaya.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii Al-shabaab ku dhawaad ku dileen inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar ilaa 12 askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM, isla toddobaadkan ayeey Al-shabaab qarax miino loo adeegsaday ku dileen mas'uuliyiin ka tirsanaa maamul gobolleedka Hirshabeelle.

Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo isku jira 90km ayeey qasab ku noqon doontaa in mas'uuliyiintu isaga kala gooshaan diyaarado, madaama ay adag tahay la sii maro safar dhulka ah iyadoo gaadiid la adeegsanayo.

Mas'uuliyiinta dowlad gobolleedka Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa marar badan oo hore ku hanjabay in ay ka sifeyn doonaan Al-shabaab waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar, laakiin wali howlgalladaasi uma muuqdaan kuwo bilaawday. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]