4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2019
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo maanta tagaya degmada Dhuusa-Mareeb

 

Isniin, September, 16, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in maanta Isniin ah gaaraan degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug.

newsinsdeSafarka Madaxweyne Farmaajo ee Dhuusa-mareeb ayaa waxaa qeyb ka ah xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka,Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu gaaro dhuusa-mareeb waxaa uu soo xiro doonaa Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday halkaas,isla markaana looga tashanayay sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan oo loo dhan yahay.

Sidoo kale inta Madaxweyne Farmaajo uu ku sugan yahay halkaas waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Ergooyinka ka qeyb galayay Shirka,isagoo ka hadli doona cabashooyinka ay qabaan iyo arrimo kale oo quseysa Galmudug.

Ammaanka Guud ee Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa siweyn loo adkeeyay,waxaana amniga sugaya sugu jira kuwa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]