4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2019
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa oo sheegtay in ay guulo ka gaartay dhoofintii sharci darrada ee dhuxusha guud ahaan dalka


Khamiis, November, 21, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in guul laga gaaray dhoofinta  dhuxusha,sida ku cad war-saxaafadeed ay baahisay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.

Warsaxaafadeedkan waxa uu si gaar ah u tilmaamayaa guulo laga gaaray jaridda dhirta, ka ganacsiga iyo dhoofinta dhuxusha oo dhibaato ba’an ku haysay bi’adda intii ka dambeysay dowladdii dhexe ee 1991.

Hoos ka akhri warsaxaafadeedka;

War saxaafadeedkan waxa uu ku saabsanyahay arrimo ahmiyad wayn u leh shacabka Soomaaliyeed iyo horumarinta bi’adda oo aay wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed la wadaagayso shacabka Soomaaliyeed. Warsaxaafadeedkan waxa uu si gaar ah u tilmaamayaa guulo laga gaaray jaridda dhirta, ka ganacsiga iyo dhoofinta dhuxusha oo dhibaato ba’an ku haysay bi’adda intii ka dambeysay dowladdii dhexe ee 1991.

Ahmiyadda yaraynta Xaalufinta Dhirta
•    Dhirtu waxa ay nadiifisaa hawada aan neefsanno, iyada oo CO2 ka nuugta hawada, siidaysana O2 ay nooluhu u baahanyihiin
•    sidoo kale dhirtu waxa ay nadiifisaa biyaha aan cabno.
•    Waxa daaq ka hela xoolaha aynu dhaqanno kuwaasoo lafdhabar u ah dhaqaalaha dalka Soomaaliya.
•    Dhirtu waxa ay hooy u tahay duurjoogta dalka kunool.
•    Dhirtu waxa ay dhulka ka ilaalisaa nabaadguurka.
•    Dhirta waxa laga sameeyaa daawooyin,waxaana dhaqaale ka hela dadka ka ganacsada xabkaha iyo faleenka.
•    Sidoo kale dhirta waxaa ku hoos nool noolayaal kala geddisan(microorganism) oo nacfi u leh bi’adda, bacriminta carada,tayaysana wax soosaarka dalagyada
•    Dhirtu waxa ay soo jiidataa roobabka
Dhoofka dhuxusha waxa ay socotay illaa intii ka dambeysay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Dhoofinta dhuxushaas waxa ay sababtay in laga jaro dhir aad u badan guud ahaan dalka Soomaaliya. Dhoofintaas oo uu Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ka soo saarey bayaan (2036) oo soo baxey sanadkii 2012, kaa soo lagu mamnuucayey dhuxul laga dhoofiyo Soomaaliya. Cilmi baaris ay wada sameeyeen Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa iyo hayadaha UN ka oo ka caawiya dowladda Soomaaliya mashruuca yaraynta isticmaalka dhuxusha (PROSCAL Programme) waxa lagu ogaaday in muddadii u dhaxaysay 2011-2017 dalka Soomaaliya laga jaray qiyaastii 8 Milyan oo geed.

Waxa Sharaf ii ah inaan idinla wadaago waxqabad muhiim ah oo ay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ,Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku howlaneed muddo dheer kana guulgaartay. Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay in aan waddanka laga dhoofin dhuxul laga soo billaabo bishii Agoosto 2018, xilligaas oo laga joogo muddo ka badan sannad iyo saddex bilood, warbixintaas oo ay hay’adda UN Monitoring Group ku soo bandhigtay bishan Nofember Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayey ku ammaantay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku guulaysatay in ay joojiso dhoofka dhuxusha sharci darrada ah laga soo billaabo bishii Agoosto 2018 kii illaa maanta aan wax dhuxul ah laga dhoofin dhammaan dalka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya . taas oo ah guul u soo hoyatay shacbiga Soomaaliyeed. Waa waqtigii ugu dheeraa oo aan waddanka dhuxul laga dhoofin tan iyo intii ka dambeysay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, 1991.

Sidoo kale Xukuumaddu waxa ay walaac ka muujinaysaa inay wali jiraan goobo ka mid ah dalka oo ay wali ka socoto xaalufinta dhirta oo lagu diyaarinaaayo dhuxul si dibedda loogu dhoofiyo , haddaba xukuumaddu waxa ay ka codsanaysaa shacabka Soomaaliyeed inay ku soo wargaliyaan xukuumadda meelaha wali ay ka socdaan diyaarinta dhuxusha iyo xaalufinta dhirta ee dalka Soomaaliyeed .

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay in ay badbaadiso dhirtaas la dabargoynayey in muddo ah, sidoo kalena waxay xukuumaddu qorsheysay, fulineysaana sidii ay dib u dhireyn ugu sameyn laheyd dhulkii la xaalufiyey.

Xukuumaddu waxay diyaarisay siyaasadda qaran ee dhuxusha, waxayna wasaaraddu ku howlantahay sharciga dhuxusha kaasoo wax wayn ka tari doono yaraynta isticmaalka dhuxusha ee gudaha iyo dhoofinta dhuxusha , sharcigaas oo lagu qeexaayo hab ciqaabeedka dadka ka shaqeeya ama dhoofiya dhuxusha. Sidaas oo kale xukuumaddu waxa ay dhiirrigalinaysay in ay shacbiga barto isticmaalka gaaska dabiiciga ah, si dadku u helaan tamar kale oo ay uga maarmaan isticmaalka dhuxusha. Waxa inoo qorsheysan in aan goor dhaw ka qeybinno gaaska la shito dhammaan caasimadaha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Waxa aan kula dardaarmayaa shacbiga Soomaaliyeed inay garab istaagaan dowladdooda kuna gacansiiyaan sidii loo badbaadin lahaa dhirta,taas oo ka mid ah kheyraadkooda dabiiciga ah, Isla markaana ay ka shaqeeyaan dib u beeridda dhirta oo ay ku howlantahay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online