4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2019
Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayashii ka horreeyay oo soo dhamaaday

 

Arbaco, November, 20, 2019 (HOL)-Waxaa Goor dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ku soo dhamaaday kulankii duhurnimadii maanta bilaawday  oo dhaxmaray Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaashii isaga ka horeeyay Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka oo siweyn isha loogu hayay ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyay uu sii xoogeystay khilaafka labada dhinac, islamarkaana hawadda leysku marinayay erayo iyo hadalo xambaarsan dhiilo colaadeed.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan qoddobadii laga wada hadlay in waxa ay labada dhinacba ku heshiiyeen, hasse ahaatee goor dhaw ayaa lagu wadaa in ay shir jaraa'id qabtaan madaxda Madasha Xisbiyada Qaran iyadoo wariyayaasha ay ku sugan yihiin hoyga uu deggan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Wixii warar ah oo ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa... 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]