3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2019
Kulan xiligan magaalada Muqdisho uga socda madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya

 

Arbaco, November, 20, 2019 (HOL)- Waxaa xiligan magaalada Muqdisho shir albaabada u xiran yihiin ku leh madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka labada dhinac  ayaa ku bilaawday Qado, iyadoo intaa kaddibna lagu wado in la gudagalo kulanka rasmiga ah iyo ka hadalka ajandaha shirka iyadoo diirada la saarayo arrimaha siyaasadda dalka iyo sida lagu wajahayo.

Qoddobada ugu muhiimsan ee ajandaha shirka oo ay warbaahintu heshay ayaa waxaa ka mid ah Dastuurka iyo shuruucda dalka In ay saldhig u  noqdaan habdhaqanka iyo hawlaha dawladda, ayna tahay in la ilaaliyo, oo  aan dalka loo horseeedin fowdo iyo nidaam kalitalis ah,  Doorashooyinka iyo arrimaha ku geydaaman oo  mugdi badan ku jiro In umadda loo caddeeyo, dalkana ay ka dhacdo  doorasho daahfuran oo dastuurka dalka waafaqsan, Khilaafka dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe In xal degdeg loo helo, si doorashooyinka dalku ay waqtigooda ugu qabsoomaan,  Gobolka Banaadir iyo dadkiisu In ay xuquuq u  yeeshaan In ay maamulkooda soo doortaan, isla markaana hadda laga dulqaado ciriiriga iyo dhagxaanta cuuryaamiyey ganacsiga iyo dhaqaalaha  dadka,  In laga garaabo gaboodfalladii lagula kacey madaxdii hore ee dalka ee shuruucda dalka hareer marsanaa.

Dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa ugu danbeyntii in ay war ka soo saarto kulanka oo siweyn isha uga wada hayaan bulshada Soomaaliyeed iyadoo la ogyahay khilaafka sii xoogeystay maalmihii ugu danbeeyay ee u dhaxeeya dowladda iyo waliba siyaasiyiinta mucaaradka oo ay ugu waaweynaayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]



 

 

 













Click here
11/20/2019 1:02 PM EST
Arbaco, November, 20, 2019 (HOL)-Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo hoggaaminaya Madasha Xisbiyada Qaran ayaa faah faahin ka bixiyay qoddobadii ay ku heshiiyeen madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay maanta la kulmeen.

11/20/2019 10:55 AM EST
Arbaco, November, 20, 2019 (HOL)-Waxaa Goor dhaw madaxtooyada Soomaaliya ku soo dhamaaday kulankii duhurnimadii maanta bilaawday oo dhaxmaray Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaashii isaga ka horeeyay Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed

11/20/2019 9:54 AM EST
Arbaco, November 20, 2019 (HOL )– Madaxweyne Biixi ayaa maanta deegaanka Darar-weyne ee duleedka magaalada Hargeysa ka daah-furay mashruuc ballaadhan oo lagu tabobarayo dufcaddii ugu horraysay ee loo carbinayo inay noqdaan saraakiil ciidan oo wiilal iyo gabdho Jaamiciyiin ah ka kooban.

11/20/2019 8:46 AM EST
Arbaco, November, 20, 2019 (HOL)-Waxaa goor dhaw lagu dilay Gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho Almas Elman oo ay walaalo yihiin gabadha u sharaxan biladda Nobel Elwad Elman

11/20/2019 7:04 AM EST
Arbaco, November, 20, 2019 (HOL)-Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa maanta soo gabagabeysay dhegaysiga dacwad loo haysto Cabdulaahi Cali Maxamed, oo kamid ahaa raggii ka qeyb qaatay weerarkii lagu dilay Sheikh Cabdiweli Cilmi Yare oo ahaa wadaad caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo.

11/20/2019 5:15 AM EST
Arbaco, November, 20, 2019 (HOL)-Waxaa Goor dhaw magaalada Muqdisho ka furmay kulan ay wadajir ah oo ay leeyihiin xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

11/20/2019 5:02 AM EST
Arbaco, November, 20, 2019 (HOL)-Wasiirka maaliyadda ee dowlad goboleedka Puntland, Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in sanadka soo socda ee 2020 lacag dhan labo milyan iyo bar (2,500,000) ay ka helidoonaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

11/20/2019 4:20 AM EST
Arbaco, November, 20, 2019 (HOL)-Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta kulan xasaasi ah uu ku dhaxmaro madaxweynaha dowladda Soomaaliy Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekh Maxamuud

11/20/2019 12:47 AM EST
Arbaco, November, 20, 2019 (HOL)- Hay’adda caafimaadka dunida WHO ayaa sheegtay Talaadadii shalay ay u baahan tahay lacag dhan 1.38 M oo dollar oo dheeraad ah si sare loogu qaado joogteynta gargaarka la gaarsiinayo dadka ay Fatahaaddu saameysay ee Soomaaliya

11/20/2019 12:40 AM EST
Arbaco, November, 20, 2019 (HOL)- Shacabka Gobolka Sidama ee Itoobiya ayaa saaka u codayn doona inay noqdaan Ismaamul gaar ah oo ka go'an degaanka Shucuubta Koonfureed.

11/20/2019 12:29 AM EST
Arbaco, November, 20, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in markii ugu horeysay ay sameyn doonto diiwa-galinta iyo tayo dhowrka dugsiyada Waxbarashada oo laga sameyn doono guud ahaanba dalka Soomaaliya.

11/20/2019 12:13 AM EST
Arbaco, November, 20, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Kuunyo-Barroow ee gobolka Shabeellaha Hoose.