4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2019
Puntland oo shaacisay taageerada dhaqaale ay ka helayso dowladda federalka Soomaaliya

Arbaco, November, 20, 2019 (HOL)-Wasiirka maaliyadda ee dowlad goboleedka Puntland, Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in sanadka soo socda ee 2020 lacag dhan labo milyan iyo bar (2,500,000) ay ka helidoonaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Dhaqaalahaan oo lagu muujiyay misaaniyadda Puntland ee maalintii shalay loo gudbiyay barlamaanka maamulkaas, ayaa ka dhigan in bil waliba Puntland helayso lacag gaaraysa $208,333.

Sanadkaan sii idlaanaya ee 2019, Puntland ayaa shaacisay inay sanduuqa dowladda federalka ay ka heshay deeq lacageed oo dhan $1,735,443.

Taageeradaan dhaqaale ayaa sidoo kale dowladda federalku siinaysaa dhammaan dowlad goboleedyada Soomaaliya, waana kabis miisaaniyadeed oo loogu talo galay in kor loogu qaado dhaqaalahdooda.

Puntland iyo dowladda federalka waxaa haatan ka dhex taagan khilaaf siyaasadeed. laakiin wada shaqaynta hay'adaha labada dhinac saameyn kuma yeelan khilaafkaas, iyadoo Garowe-na ay maalmahaan shirar ku lahaayeen wasiirro ka socday xukuumada Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Bayle oo Garowe ku sugnaa todobaadkaan, ayaa uga qeyb galay shir ku saabsanaa Hannaanka Maaliyadda dalka, inkastoo qodobadii kasoo baxay gebagebadii shirkaas aanan lala wadaagin warbaahinta.

Sidoo kale, wasiirka ganacsiga Soomaaliya Cabdulaahi Cali Xasan ayaa todobaadkaan magaalada Garowe uga qeyb galay shir-weyne  looga hadlayay xeerka ganacsiga Soomaaliya.

Hiiraan Online