3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2019
Barlamaanka Puntland oo maanta la horgeeyay miisaaniyadda Puntland ee 2020


Talaado, November, 19, 2019 (HOL)-Barlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta la horeegayay odoroska miisaaniyadda Puntland ee lagu dhaqmidoono 2020, taasoo xalay ay meel mariyeen golaha wasiiradda.

Miisaaniyaddan oo ay ka muuqatay koror xad dhaaf ah, ayaa loo qeybiyay xildhibaanada barlamaanka, si ay usoo aqriyaan, kadibna uga doodaan meel marinteeda.

Wasiirka maaliyadda Puntland, Xasan Shirre Abgaal ayaa barlamaanka ka horjeediyay warbixin ku saabsan miisaaniyad sanadeedka iyo isbedel kororka ah ee ku yimid miisaaniyadda.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in mushaarka loo kordhiyay golaha wasiirada, golaha Wakiilada, Hantidhowrka iyo Garsoorka. Waxaa kaloo sheegay in miisaaniyadda loo kordhiyay adeega arrimaha amniga. 

Miisaaniyadda kuma cadda in mushaarka loo kordhiyay ciidamada Puntland oo aad uga cabanayay mushaarka oo yar iyo iyagoo mararka qaarkood heli waayaba.  

Dhinaca kale, barlamaanka Puntland ayaa maanta meel mariyay wax ka bedelka Xeerka Maalgashiga dowlad goboleedka Puntland iyo wax ka bedelka Xeerka cashuuraha Puntland.


Hiiraan Online











Click here
11/19/2019 10:37 AM EST
Talaado, November, 19, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay warka ku saabsan in dowladda Talyaaniga dib ula noqtay lacag dhan $ 6 Milyan oo dollar oo loogu talagalay in biyo xareen loogu sameeyo magaalada Beledweyne.

11/19/2019 10:14 AM EST
Talaado, November 19, 2019 (HOL )– Ergooyin kala duwan oo ay horkacayaan madaxweyne ku xigeenadii hore ee Somaliland soo maray ayaa kulamo la yeeshay xisbiyada mucaaradka si loo soo afjaro khilaafka xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka soo kala dhexgallay.

11/19/2019 8:58 AM EST
Talaado, November, 19, 2019 (HOL)-Dowladda Norway ayaa si ku-meelgaar ah u joojisay kaalmadii dhaqaale ee ay siin jirtay masaajidka ugu weyn dalkaas ee Towfiiq kadib markii Soomaalidii gacanta ku haysay ku heshiin waayeen.

11/19/2019 7:57 AM EST
Talaado, November, 19, 2019 (HOL)-Hay’ada sirdoonka Jubbaland ayaa baahisay sawirka sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

11/19/2019 4:12 AM EST
Talaado, November, 19, 2019 (HOL)- Ururka Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay sheegay in ay si rasmi ah ula wareegeen deegaan ka tirsan Somaliland, gaar ahaan gobolka Sanaag oo dhawaan la sheegay in lagu arkay xooggagooda.

11/19/2019 12:42 AM EST
Talaado, November, 19, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Dowladda Gobolleedka Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in labo dhalinyaro ah ka danbeeyeen dilkii xalay Gaalkacyo loogu geystay Taliyihii Sirdoonka iyo Nabad-sugida gobolka Mudug Col Xaanshi Aadan Cilmi.

11/19/2019 12:08 AM EST
Talaado, November, 19, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in Askari ka tirsan ciidamada dowladda uu toogasho ku dilay isku-duwihii maaliyada degmada Afgooye ee maamulka Koonfur Galbeed.

11/19/2019 12:01 AM EST
Talaado, November, 19, 2019 (HOL)-Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay xubno ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Madasha Xisbiyada Qaran kaa oo loogu gogol xaarayay kulan maalinta berri ah lagu wado in magaalada Muqdisho uu ku dhaxmaro madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya.