4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2019
Al-shabaab oo sheegatay in markii ugu horeysay ay la wareegeen deegaan ka tirsan Somaliland

 

Talaado, November, 19, 2019 (HOL)- Ururka Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay sheegay in ay si rasmi ah ula wareegeen deegaan ka tirsan Somaliland, gaar ahaan gobolka Sanaag oo dhawaan la sheegay in lagu arkay xooggagooda.

Warbixintan oo ay ku shaaciyeen bog ay ku leeyihiin Internet-ka ayeey ciwaan uga dhiggeen ''Al-shabaab oo qabsatay degaankii ugu horreeyay ee istiraatiijiya oo ka tirsan Somaliland” ayaa sidoo kale waxaa ka soo muuqday sawir ay ku sheegeen dagaalamayaashooda oo gudaha u soo galaya deegaanka.

Afhayeenka dhinaca howlgalada u qaabilsan Al-shabaab Cabdicasiis Muscab ayaa sheegay in ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Gacan Maroodi oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Saraakiisha Amaanka gobolka ayaa dhawaan warbaahinta u sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo deegaanka lagu arko dagaalamayaasha Al-shabaab oo la sheegay in ay ka talaabeen dhinaca Buuraha Golis ee gobolka Bari.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ay ka soo saareen Somaliland warka ku saabsan in Al-shabaab ay la wareegeen  deegaan ay ka taliyaan. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]