4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2019
Golaha wasiiradda Puntland oo meel mariyay miisaaniyadda 2020

Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Golaha wasiiradda ee dowlad goboleedka Puntland oo caawo kulan gaar isugu yimid uuna shir guddoominayay madaxweyne Deni, ayaa meel mariyay miisaaniyadda Puntland ay ku shaqeyndoonto sanadka 2020.

Miisaanadiyada la meel mariyay oo gaaraysay $346,416,158.99, ayaa lagu sheegay in qoondooyin gaar ah loo sameeyay haweenka, dhalinyarada barnaamijka dimuqraadiyada iyo horumarinta kaabayaasha bulshada.

Warsaxaafadeed lagasii daayay xafiiska warfaafinta madaxtooyada ayaa lagu sheegay in hay'ad cusub oo qaabilsan farsamada gacanta lagusoo daray hay'addaha dowliga ah loona sameeyay qoondo  gaar ah.

Inkastoo miisaaniyaddaan golaha wasiiraddu meel mariyeen, ayaa hadana la horgayndoonaa barlamaanka Puntland, si ay uga doodaan una meel mariyaan haddii xildhibaanadu isku raacaan.

Sanad kasta miisaaniyadda Puntland, waxaa ka yimaada dood ku saabsan inaan loogu dhaqmin habkii loosoo gudbiyay, taasoo keenta in mar waliba muran uu ka yimaado ansixinta xisaab xirkeeda.


Hiiraan Online