3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2019
Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland oo sheegay in askari ilaalada gudoomiye Cirro ahi uu toogtay sarkaal ciidanka ka tirsan

 

Isniin, November 18, 2019 (HOL )– Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Gen:Maxamed Aadan Saqadhi Dabagalle ayaa sheegay in ilaaladdda gudomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro uu toogtay taliyaha qaybta booliska ee bariga Magaalada Hargeysa, halka askari kalena taageerayaasha xisbigu dhagaxaan la dhaceen.

Taliye Dabagalle ayaa sheegay inuu masuuliyada wixii meesha ka dhacay uu qaadayo gudoomiyaha xisbiga WADDANI, waxaaanu xusay in ciidanka boolisku taxadar badan sameeyeen oo rasaaska lagu riday aanay ka qaadin wax talaabo ah.

“Gudoomiyaha xisbiga WADANI wuxuu iskugu yeedhay taageerayaashiisii intay gacmaha is qabsadeen ayey soo jiidheen ciidankiii, waxaana mudaharaadka bilaabay gudoomiyaha xisbiga, askartii iyagoo dhawraya oo ilaalinaya ayaa xabad waxa ku soo riday askari la socdo gudoomiyaha oo loo siiyey in isaga amaankiisa ilaaliyo, waxaanu toogtay taliyihii qaybta bariga magaaladda ee goobtaasi joogay sidaas buu gudihii xisbiga ku gallay, iyadoo nabada la ilaalinayo askartii badnayd ee meesha joogtay uma jawaabin oo wax talaabo ah kama qaadin waan garanayna magaciisa waana lala xisaabtami doonaa, waxa kale oo jira askari kale oo dhaawac ah oo kooxdaasi la socotay dhagaxaan la dhaceen oo cisbitaalka yaalla, rabshadahaasi dhacay ee aanu ka dignay waxa ka masuulla gudoomiyaha xisbiga, waxa kale oo uu gudoomiyuhu sheegay inuu sadex cisho hawshaasi sii waddi doonno.”ayuu yidhi taliye Dabagalle oo ka hadlayey rabshadihii dhacay iyo khasaaraha ciidanka ka soo gaadhay.

Isku soo baxan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee khasaarihiisu yar yahay, taasna waxa sababay ka dib markii uu ciidanku u fasaxay xafiiskii xisbiga, iyagoo ka baqday inuu khasaaro badan ka dhasho is hujuunka ciidanka iyo taageerayaasha xisbiga.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.












Click here
11/18/2019 1:53 PM EST
Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Golaha wasiiradda ee dowlad goboleedka Puntland oo caawo kulan gaar isugu yimid uuna shir guddoominayay madaxweyne Deni, ayaa meel mariyay miisaaniyadda Puntland ay ku shaqeyndoonto sanadka 2020.

11/18/2019 12:48 PM EST
Isniin, November, 18, 2019 (HOL)- Wasiirka Beeraha dowladda Soomaaliya Saciid Xusseen Ciid oo la hadlay VOA ayaa beeniyay in dowladda Soomaaliya ay gudbin weyday mashruuc la doonayay in biyo xireen loogu sameeyo magaalada Beledweyne oo ay dalbatay dowladda Talyaaniga.

11/18/2019 11:09 AM EST
Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Wararka Hiiraan Online uu ka helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in caawa salaadii maqrib kadib halkaas lagu dilay sarkaal ciidan oo ahaa taliyihii nabad sugida gobolka Mudug ee dhinaca Puntland.

11/18/2019 9:55 AM EST
Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Dowladda Talyaaniga ayaa la sheegay in ay dib ula laabatay mashruuc ku kici lahaa ilaa 6 Milyan oo dollar oo biyo xireen loogu sameyn lahaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan

11/18/2019 9:42 AM EST
Isniin, November 18, 2019 (HOL )– Xukuumadda Somaliland ayaa maanta xayirtay telefishanka HCTV ee xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa.

11/18/2019 7:39 AM EST
Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Dadweynaha qowmiyadda Sidama ee dalka Itoobiya ayaa la filayaa inay maalinta arbacada ah u codeeyaan inay noqdaan gobol gooni u taagan – tallaabadaas oo dhallin karta xasilooni darro dheeri ah oo ka dhacda dalka, ka hor doorashooyinka qaran ee sanadka xiga.

11/18/2019 7:14 AM EST
Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Gargaarkan oo noqonaya kii ugu badnaa oo maalmahan la gaarsiiyo dadkii ka barakacay Fatahaadda magaalada Beledweyne ayeey hay'adda HARO 2200 qoysas gaarsiisay deeq laccageed oo isugu jirta Raashin iyo Lacag.

11/18/2019 6:11 AM EST
Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Xarunta Maxkamada Sare ee dalka waxaa maanta markii ugu horeysay ka bilaawday dacwad ka dhan ah dowladda dhexe ee Federaalka taasoo horay uu Maxkamada ugu soo gudbiyay Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyaha yahay Shariif Sheekh Axmed.

11/18/2019 2:29 AM EST
Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Kooxda UN Monitoring Group ayaa soo saartay warbixinteeda sanadlaha ee ku saabsan Soomaaliya, iyadoo ay kooxdu warbixinteeda kusoo dartay beegsiga ay Ciidamada Kenya ku hayaan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ah shirkadda isgaarsiineed ee ugu weyn Soomaaliya.

11/18/2019 2:21 AM EST
Isniin, November 18, 2019 (HOL )– Hogaanka xisbiga WADDANI ayaa xoog ku tagay xarunta guud ee xafiiskooda magaladda Hargeysa, waxaana galbinayey taageerayaal kooban oo madaxdooda usii raacay xafiiskooda ciidanka la hor dhigay.

11/18/2019 12:25 AM EST
Isniin, November 18, 2019 (HOL )– Mas'uuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa xalay xabsiga loo taxaabay, waxaana xarunti guud ee xisbigoodii la dhigay ciidamo boolis ah.

11/18/2019 12:14 AM EST
Isniin, November, 18, 2019 (HOL)- Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mohammed Cabdi Waare oo uu wehliyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Cali Gudlaawe Xusseen ayaa xalay kulan la qaatay guddiyo ka kala socda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Puntland iyo ganacsato uu horkacayay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo dhamaantood u yimid gurmadka dadka ay fatahaadu saameysay.

11/18/2019 12:08 AM EST
Isniin, November, 18, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kulan kula qaatay Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than.

11/18/2019 12:05 AM EST
Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Wararka saakay ka imanaya magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa sheegaya in amaanka siweyn loo adkeeyay iyadoo lagu arkayay qeybo ka mid ah Isgoosyada iyo dariiqyada muhiimka ah ee magaalada ciidamo dheeraad ah gaar ahaan kuwa ka hortaga rabshadaha.