4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2019
Maxkamada Sare ee dalka oo bilaawday dhageysiga dacwad u dhaxeysa Dowladda iyo Xisbiga Himilo Qaran

 

Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Xarunta Maxkamada Sare ee dalka waxaa maanta markii ugu horeysay ka bilaawday dacwad ka dhan ah dowladda dhexe ee Federaalka taasoo horay uu Maxkamada ugu soo gudbiyay Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyaha yahay Shariif Sheekh Axmed.

Dacwada ayaa Xisbiga Himilo Qaran waxaa ay ka gudbiyeen Dowladda Dhexe 6-dii Bishii Octoober ee Sanadkaan 2019, kadib markii  Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho lagu xayiray Madaxweynihii hore ee  Somalia Sheekh Shariif sheikh Axmed,xilli uu ku wajahnaa Kismaayo,wallow  markii dambe la fasaxay.

Halka ay dacwadoo ka bilaabatay waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha  Maxkamada Sare ee dalka Baashe  Yuusuf Axmed,Xubno ka socda Wasaaradda  Gaadiidka iyo duulista Hawada oo dacwadda ay ka taallo iyo Xubno ka  socda Xisbiga himilo Qaran.

Guddooomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe  Yuusuf Axmed ayaa  dhawaan sheegay in dacwada ay usoo gudbiyeen Xisbiga Himilo Qaran ay si  cadaalad ah u qaadi doonaan,isla markaana wax faragelin ah uga imaaneyn  laanta fulinta ee xukuumadda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]