4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 17, 2019
Gaari aan cidina wadin oo Garowe ka geystay shil dhimasho iyo dhaawac leh

Axad, November, 17, 2019 (HOL)-Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay 5 kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray kadib markii gaari nuuca Soomaalidu u taqaano Laylo  Calaawi oo aan cidina wadin uu dardaray dad ku sugnaa bartamaha suuqa magaalada Garowe.

Qofka dhintay oo ahayd gabadh 18 jir ah oo suuqa ka adeeganaysay, ayuu gaarigu dusha ka maray, isagoo ugasii gudbay illaa dhowr qof oo kale oo wadada hareeraheeda ku sugnaa.

Sababta keentay shilkaan waxay ahayd kadib markii Darawalkii waday uu ka dagtay isagoo aan gaadhiga gayn caalamada Baakinka.

Markii darawalkii gaadhigii ka daba tagay oo uu gudaha u galay ayuu qalqalay oo kadibna uu riixay Orodka, markaas kadibna waxaa uu sii geystay khasaare kale oo ah inuu burburiyay gaadiid kale oo laamiga marayay.

Taliyaha taraafikada gobolka Nugaal, Ismaaciil Xirsi Shirwac oo la hadlay Hiiraan Online, ayaa sheegay in uu xiran yahay darawalkii shilkaas masuulka ka ahaa iyo gaadhigiisa.



Hiiraan Online