4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 17, 2019
Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo CeelWaaq kula kulmay saraakiil ciidan

 

Axad, November, 17, 2019 (HOL)-Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Jubbalanda Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan gobolka Gedo ayaa degmada CeelWaaq kulan kula qaatay saraakiil ciidan oo ay ka mid ahaayeen kuwa AMISOM.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa oo ka qeybalay Saraakiisha ciidamada Midowga Afrika  ee AMISOM ee ka howlgala Degmada Ceel-waaq.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayaa ciidamada Jubbalanad iyo kuwa AMISOM kala hadlay xaalada deegaanka iyo sidii loo  kordhin lahaa qorshaha lagu sugayo amniga degmadaas iyo deegaanada  hoostaga.

Waxaa kaloo uu kulan la qaatay Qeybaha kala duwan ee Bulshadda Ceelwaaq, isagoona ka hadlay hadlay sidii loo xaqiijin lahaa midnimada iyo xasiloonida dadka Jubbaland.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in uu tegayo dhammaan degmooyinka  Gobolka Gedo halkaas oo uu kula kulmayo qaybaha kala duwan ee bulshadda  iyo saraakiisha ciidanka Jubbaland.

Jubbaland ayaa ku eedeysay dhawaan dowladda Soomaaliya ay fara-galin ku heyso deegaannada Jubbaland ee gobolka Gedo, iyadoo adeegsaneysa ciidamada dowladda Itoobiya 

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]