4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 17, 2019
Puntland oo sheegtay oo gabi ahaanba la soo afjaray xiisadii ka taagneyd Boosaaso

 

Axad, November, 17, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad gobolleedka Puntland oo warbaahinta la hadlay Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in gabi ahaanba la soo afjaray xiisadii sababatay gacan ka hadalka ee magaalada Boosaaso.

Wasiirka oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay ciidamadii Daraawiishta ee gadoodka ka sameeyay magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in markii ay galeen magaalada Boosaaso ay isku dhaceen ciidamo kale oo Booliiska ahaa oo ku sugnaa magaalada, waxaana isku dhacaa labada dhinac ka dhashay khasaaare kala duwan.

Bale waxaa uu sheegay Wasiirka in ugu danbeyntii mas’uuliyiinta Puntland iyo Isimada gobolka oo iskaashanaya ku guulaysteen in xal laga gaaro cabashooyinkii ay qabeen ciidamada gadoodka sameeyay, islamarkaana maanta dib loogu soo celiyay fariisimihii ay hore ugu sugnaayeen.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay odayaasha dhaqanka iyo culimaa’uddiinka magaalada Boosaaso oo sida uu sheegay door aad muhiima ka qaatay xal u helidda tabashooyinkii sababay in ay gadood sameeyaan ciidanka.

Dagaalka Boosaaso ayaa walaac daran ku abuuray bulshada ku dhaqan gobolka guud ahaan, iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba xaalka siyaasadeed ee dowlad gobolleedku ahaa mid cakiran.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]