4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 17, 2019
Dowladda oo qabatay xubno ka tirsan Al-shabaab oo weerar ka geystay magaalada Muqdisho

 

Axad, November, 17, 2019 (HOL)- Magaalada Muqdisho waxaa ku badan weerarrada ay geystaan dhalinyaro ka tirsan Ururka Al-shabaab kuwaa oo bartilmaameedsada xubnaha ka tirsan dowladda iyo xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada.

Dhawaan ayeey aheyd markii laba dhalinyara ah oo Al-shabaab ka tirsan oo hubeysnaa oo askari dilay lagu qabtay degaanka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Hadaba ciidamada dowladda ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab oo la sheegay ay weerarka geysteen degmada Deyniile ee gobolka Banaadir,

Ragga ay ciidamada Amaanku qabteen ee la soo bandhigay ayaa waxaa ka muuqday dhaawacyo sida lagu arkay muuqaalo laga soo qaaday.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ciidamada nabad-galyada uga mahad celiyay howlgallada ay ku baacsanayaan xubnaha ka tirsan Ururka Al-shabaab weerarrada ka geystay gudaha magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]