4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2019
Madaxwayne Mustafe Cagjar oo booqday Matxafka taariikhiga ah ee Harar

 

Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar iyo Madaxda Degaanada Canfarta iyo Hararida ayaa maanta booqday Matxafka lagu kaydiyo Taariikhda Harar.

Madaxwayne Mustafe Cagjar ayaa intuu ku sugnaa Matxafkan waxaa sharaxaad kasiinayay Matxafkan Odayaal dhaqameedka Harar, iyagoo uga warbixinayay taariikhdii hore ee ay Harar soo martay iyo dawladihii Islaamka ee xilliyadii hore ka talin jiray Harar.

Booqashadan uu Madaxwayne Mustafe cagjar ku joogo Harar waxaa ku wehelinaya Madaxwayne ku xigernka DDS Aadan Faarax iyo Odayaal dhaqameedka deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]