4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2019
Sacuudiga oo shir deg deg ah ugu baaqay Jaamacadda Carabta

Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Dawladda Sucuudiga ayaa isugu yeertay shir degdeg ah oo ay yeeshaan waddamada ku jira ururka Jaamacadda Carabta iyo waddamada ku jira Golaha Iskaashiga Khaliijka.

Sacuudiga ayaa ujeeddada shirkan oo  magaalada Makah lagu qaban doono 30-ka bishaan May, ku sheegtay sidii ay dalalka Carabta uga arrinsan lahaayeen khilaafka sii dheeranaya ee u dhaxeeya Iran iyo Sacuudiga.

"Dadaal ku aaddan wadatashi iyo iskaashi dhexmara dawladaha walaalaha ah ee ku wada jira Golaha Khaliijka Carabta iyo Ururka Jaamacadda Carabta, arrintaas oo looga golleeyahay in lagu xoojiyo ammaanka iyo degganaanshaha gobolka". ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga oo ay xigatay wakaaladda wararka ee dalkaas.

Baaqaan ayaa imaanaya ayadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda gobolka ka taagan ee u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan.Maraykanka ayaa maalmihii la soo dhaafay maraakiib iyo diyaarado dagaal kusoo daad gureeyey khaliijka sababo la xiriira wax uu ku tilmaamay "khatar" uga imaanaysa Iran.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]