4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 19, 2019
Wasiir Goodax oo sheegay xog khaldan in laga siiyay Imtixaanadkii Puntland

Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya,Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay inuu garab-taaganyahay shacabka iyo ardayda Puntland,isagoo marka u rajeeyay inuu si guul ah ugu dhammaado Imtixaanadka shahaadiga ah ee shalay billowday.

Wasiirka ayaa hadalkan sheegay kaddib markii shalay warbaahinta maxalliga ah iyo baraha bulshada aad lagu baahiyay hadal uu wasiirka Jowhar ka sheegay oo ku saabsanaa inuu fashilmay Imtixaanka Puntland, taas oo markii dambe uu maamulka ka horyimid raalligelinaya dalbaday.

"Wasiirka wasaaradda waxbarashada, wuxuu ka xunyahay hadalkii uu ka jeediyay magaalada Jowhar taas oo ku saabsaneyd in Imtixaanka Puntland uu fashilmay". ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Goodax  oo lagu caddeeyay waxa sababta u ah hadalka oo lagu sheegay " Wasiirka oo ku guda jira hadal jeedinta ardayda iyo waalidiinta magaalada Jowhar ayaa lagu wargeliyay in madaxweynaha Puntland uu ku dhawaaqay in Imtixaanka la jabsaday, Iyadoo ay habbooneyd in wasiirka raadiyo warkaas xaqiiqdiisa."

Ku dhowaad 16 kun oo ardey ayaa sabtidii shalay u fariisatay imtixaanka fasallada siddeed ee dugsiga dhexe iyo fasalka afaraad ee dugsiga sare ee Puntland.

Hoos ka akhri qoraalka ka soo baxay wasaaradda waxbarashada;


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]