3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2019
Qaraxyo is xigay oo caawa ka dhacay Muqdisho

Axad, May, 19, 2019 (HOL)-  Dhawaqa labo qarax ayaa xilli isku dhow caawa laga maqlay caasimadda Muqdisho, sida laga soo xigtay saraakiisha.

Qaraxa koowaad ayaa xilliga afurka ka dhacay agagaarla Hotel Muna iyo Barxada Iskaashatooyinka ee degmada Xamar Wayne.Wararka ayaa sheegaya in qaraxaa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray,balse wxaaan caddeyn halka bartilmaameedka ahaa, iyadoo goobta uu qaraxa ka dhacay ay ku dhowdahay hoteelka sida weyn amnigiisa loo ilaaliyo ee SYL.

Qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay iskuul Jabuuti oo ku yaalla degmada Wadajir, ma jiro faahfaahin qaraxa laga helay.

Sidoo kale, ma cadda illaa hadda khasaaraha ka dhashay labada qarax oo ku soo aadday xilli ciidammada amniga ay howlgallo ka waddaan qeybo badan oo caasimadda ah isgoysyadana la dhigay ciidammo dheeraad ah.

Faahfaahinta qaraxan iyo wixii ka soo kordha dib ayaan uga daalacan doontaan Hiiraan Online.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]

 











Click here
5/19/2019 2:41 PM EST
Axad, May, 19, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo galinkii danbe ee maanta soo gaaray magaalada Beledweyne ayaa durbaba booqday Buundada Ceel-Gaal oo dhawaan ku bur burtay roobab lixaad leh oo ka da’ay deegaanka.

5/19/2019 1:24 PM EST
Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Booliska Soomaaliya ayaa goor dhow shaaciyay in la qabtay ninkii waday gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa oo ku qarxay agagaarka iskaashatooyinka gaadiidka ee degmada Xamar weyne.

5/19/2019 1:20 PM EST
Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar iyo Madaxda Degaanada Canfarta iyo Hararida ayaa maanta booqday Matxafka lagu kaydiyo Taariikhda Harar.

5/19/2019 1:15 PM EST
Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Madaxwaynaha DDS Mustafe cagjar iyo Madaxda degaanada Canfarta iyo Hararida ayaa Olole nadaafadeed ka billaabay maanta magaalada Harar,

5/19/2019 1:11 PM EST
Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Munaasabad ka dhacday xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayna goob jog ka ahaayeen madax ka socotey Hey'adda Hormuud Foundation, Maamulka Gobolka Banaadir & Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir ayaa waxaa Boqol haween dan yar ah lagu guddoonsiiyey lacag Kaash ah oo dhan $100 Dollar qof kasta, si ay ugu kaashadaan baahiyohooda aasaasiga ah.

5/19/2019 1:02 PM EST
Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Dawladda Sucuudiga ayaa isugu yeertay shir degdeg ah oo ay yeeshaan waddamada ku jira ururka Jaamacadda Carabta iyo waddamada ku jira Golaha Iskaashiga Khaliijka.

5/19/2019 12:47 PM EST
Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya,Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay inuu garab-taaganyahay shacabka iyo ardayda Puntland,isagoo marka u rajeeyay inuu si guul ah ugu dhammaado Imtixaanadka shahaadiga ah ee shalay billowday.

5/19/2019 7:33 AM EST
Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

5/19/2019 6:00 AM EST
Axad, May, 19, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya rasaas ku furay gaari ay la socdeen Ardey waxaana rasaastaasi ku dhaawacmay saddex Ardey oo Walaalo ah

5/19/2019 4:47 AM EST
Axad, May 19, 2019 (HOL)- Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay inuu doonayo inuu u celiyo maxaabiistii lagu soo qabtay dagaaladii Puntland iyo Somaliland, isla markaana ay iyaguna wixii ay hayeen soo wareejiyaan.

5/19/2019 2:48 AM EST
Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland,Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa sheegay in aaney waxba ka jirin warka uu sheegay wasiirka waxbarashadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ee ahaa in uu fashilmay imtixaanka Puntland.

5/19/2019 2:39 AM EST
Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha dalka Austria , ayaa shaaca ka qaaday in la qaban doono doorasho xilli hore ah,kaddib markii ku-xigeenkiisa uu isku casilay muuqaal sir ah oo la duubay sannadkii 2017-kii kaasi oo lagu muujiyay xiriirka Austria ay la leedahay Ruushka.

5/19/2019 2:24 AM EST
Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan degmada Xarfo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa uu halkaas kulan muhiim ah caawa kula qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada.

5/19/2019 1:35 AM EST
Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in askari ka tirsan maamul gobolleedka Galmudug uu xalay dhaawacay guddoomiyihii waxbarashada gobolka Mudug oo lagu magacaabo Axmed Qoodeeye.

5/19/2019 1:25 AM EST
Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Kor u kac ku yimid weerarada ka dhanka ah Muslimiinta dalka India ayaa kor u qaaday welwelka ururada xuquuqda aadamaha, kuwaas oo dawladda ku boorrinaya inay qaaddo tallaabooyin ad-adag si ay u ilaaliso dadka la tirada badan yahay ee dalkaas.

5/19/2019 1:05 AM EST
Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabcasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen oo ka hadlay qaraxii khasaaraha badan geystay ee maalintii shalay ka dhacay degmada Bardaale ayaa bulshada ku dhaqan gobolka Baay iyo guud ahaan gobolka Galbeed ugu baaqay in ay ka foojignaadaan weerarrada iyo qaraxyada Al-shabaab.