4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 19, 2019
Madaxweynaha Puntland oo kullamo ka billaabay gobolka Mudug, xilli uu ku wajahanyahay Gaalkacyo


Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Madaxweynaha  Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan degmada Xarfo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa uu halkaas kulan muhiim ah caawa kula qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabada oo ay kasoo qayb galeen maamulka gobolka Mudug kan Degmada Xarfo qaarkamid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaano, Afhayeenka Madaxtooyada  Puntland Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland, iyo saraakiil ka tirsan Madxatooyada.

Madaxweyne Deni oo bulshada magaalada la hadlay ayaa ku booriyey horumarka isku-tashiga ah ee ay ugu midaysan yihiin inay ku horumariyaan degmadooda, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu diyaar u tahay inay kala qayb qaadato dedaalka ay ku foogan yihiin maamulka Xarfo iyo shacabka magaaladaasi,isagoo inta ku daray  in xukuumaddiiso wax qabadyadii ugu horreyey ee ay qabato ay ahayd dhisidda iyo deegamaynta ay dowladdu ku bilowday xereda tababbarka ciidanka Puntland ee Abqaale, isla’markaana Madaxweynaha ayaa ka mahadnaqay soo dhaweynta qalbiga furan ee ay kala kulmeen isaga iyo waftigiisa bulsho weynta Xarfo.

Docda kale, madaxweynaha Puntland iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,iyadoo booqashada ay noqonaysa middii ugu horreysay tan iyo markii xilka loo doortay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]