4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2019
Madaxweynaha Koonfur Galbeed : Talaabo ayaan ka qaadeynaa Al-shabaab

 

Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabcasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen oo ka hadlay qaraxii khasaaraha badan geystay ee maalintii shalay ka dhacay degmada Bardaale ayaa bulshada ku dhaqan gobolka Baay iyo guud ahaan gobolka Galbeed ugu baaqay in ay ka foojignaadaan weerarrada iyo qaraxyada Al-shabaab.

Waxaa uu ka tacsiiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxaas oo uu ka mid yahay Kabtan Falar Liibaan Nuurow oo ka mid ahaa Golaha Deegaanka Degmada Berdaale sidoo kale ahaa Sarkaal katirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

‘’Waxaan balanqaadayaa in wax badan laga qaban doono dhibaatada Al-shabaab ay ku hayaan shacabka ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed ayuu hadalkiisa sii raaciyay’’ madaxweyne Cabdicasiis.

Ciidamada maaamulka iyo mas’uuliyiinta degmooyinka ayuu ugu baaqay in ay ka tigtoonaadaan weerarada kaga imaanaya dhinaca Al-shabaab,waxaana Shacabka uu ka dalbaday in ay dhankooda ciidamada la Shaqeeyaan.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah deegaannada ugu badan oo ay Al-shabaab ka geystaan weerarrada tooska ah iyo qaraxyada marka laga soo tago magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]