4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2019
Madaxweynaha Puntland oo socdaalkii u horreyay ku maraya gobollada Nugaal iyo Mudug


Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ku hoyanaya degmada Xarfo ee gobolka Mudug, iyadoo safarkan uu qeyb ka yahay socdaal madaxweynaha Puntland uu ku marayo deegaanno ka tirsan Nugaal iyo Mudug.

Madaxweyne Deni, ayaa ka hor inta uusan soo gaarin degmada Xarfo wuxuu socdaal uu adeegsadanayay gaadiid ku soo maray deegaannada isku xira Garoowe illaa Xarfo, isagoo muddo ku sugnaa degmada Burtinle ee gobolka Nugaal oo uu dadweynaha kula hadlay,kullamana la qaatay maamulka degmada, mashaaricna xarigjaray.

"Runtii waxaa sharaf weyn ii ah maanta inaan imaado degmada Buurtinle oo xudun u ah, halbowlena u ah Puntland, waan ku faraxsanahay horumarka ay gaadhay degmadu oo uu ugu horeeyo laamiga maanta aan xadhiga ka jarnay iyo mashariicda kale ee aan ka warqabo ee socota, taasi waxaa lagu gaaray dedaalka iyo wadajirka shacabka iyo maamulku ay sameeyaan." ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigiisa  ayaa intaas kaddib u soo kicitimay gobolka Mudug, waxaana degmada Xarfo kusoo dhoweeyey mamulka degmada, shacabka magaaladaasi, waxgarad, oday dhaqameedyo iyo masuuliyiin kale, intaasi kadib Madaxweynaha ayaa kormeeray xerada tababarka ciidanka Abqaale iyo Isbitaalka guud ee magaalada.

Waxaa lagu wadaa madaxweynaha  inuu berri u kicitimo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, socdaalka oo noqonaya midkii ugu horreyay ee uu ku tagayo xarunta gobolka Mudug,tan iyo doorashadiisii siddeedii Jannaayo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]