4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2019
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Maanta la shiray Shaqalahaa Wasaaradda Warfaafinta

Sabti, May, 18, 2019 (HOL)-  Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay Shaqaalaha Wasaaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Ujeedada kulanka ayaa ahayd in Wasiirku Shaqaalaha Wasaaradda u faahfaahiyo qaabka Tubaha ee dowladdu dooneyso in dalka lagu hogaamiyo iyada oo Wasaarad walba dhankeeda ka qaadanayso qaybta kaga aadan dhaqangalinteeda.

Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa shaqaalaha qaarkood ka dhageystay fikradaha ay soo jeediyeen iyo qaabka ay uga qayb qaadan karaan Hormarinta dalka iyada oo la raacayo jiheynta Xukuumadda dalka, lagana wada shaqeeyo siddii dadka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa firiinta Dowladda

Wasiirka Warfaafinta Mudane Maareeye waa markii Sedexaad uu Wasiir ka noqdo Wasaaradda Warfaafinta, wuxuuna shaqaalaha wasaradda Warfaafinta,Wuxuuna maanata shaqaalaha warbaahinta qaranka u ballan qaaday in aqoontooda kor loo qaadi doono ,dhawaanna loo furi doono macaahid kor loogu qaadayo xirfadooda shaqo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]