4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2019
Madaxweynaha Puntland oo booqday xarunta shirkadda dhismaha waddooyinka ee Kebarco


Sabti, May, 18, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo booqashadii u horreysay ku maraya deegaanno ka tirsan gobollada Mudug iyo Nugaal ayaa booqday xarunta shirkadda dhismaha waddooyinka ee Kebarco oo ku taalla duleedka degmada Burtinle.

Madaxweynaha oo ay waheliyeen wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo mas'uuliyiin kale ayaa kormeeray qeybaha ay ku shaqeyso shirkadda Kebarco oo ay ka mid tahay warshadda soo saarta daamburka.

Faysal Baabraqiis oo ka mid ah mas'uuliyiinta shirkadda Kebarco ayaa warbixin ka siiyay madaxweynaha Puntland hannaanka ay u shaqeyso shirkadda Kebarco iyo qeybaha warshadaha ee shirkadda oo isugu jira qeyb hagaajisa dhagaxa, warshadda daamburka iyo qeybo kale oo la xiriira dhismaha iyo waddooyinka.

"Kebarco waa shirkad wadani ah, waxa ugu weyn ee aan hadda bulshada u qabano iskutashi ayay u badanyihiin, qorsheenna iyo hadafku wuxuu yahay dalkan inuu helo adeeg horumarsan oo u suragalinaya bulshada inay helaan waddooyin iyo dhismayaal wanagsan.. meel walbana diyaar ayaan u nahay adeegga Kebarco inan ugu geyno shacabka Soomaaliyeed". ayuu yiri Faysal Baabraqiis.

Madaxweyne Deni, ayaa boggaadiyay shaqada shirkadda Kebarco, isagoo muujiyay sida baahi loogu qabo dhismaha waddooyinka iyo horumarinta bulshada,

Gabagabadii, madaxweynaha Puntland wuxuu xarig-jaray waddada bartamaha ee degmada Burtinle oo 1 km dib loo dhisay, waxaana dhismaha oo iskutashi ku dhismay fulisay shirkadda Kebarco. Madaxweyne Deni ayaa ballan qaaday in dowladdu dhammaystiri doonto waddada bartamaha Burtinle ee iskutashiga ku billaabatay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]